Boorama, Somaliland, October 28, 2014, (Codka Hargeysa) – Xubin ka tirsan xildhibaanadda Golaha deegaanka Boorama ayaa wasiirka daakhiliga Mud Cali Warancadde ka dalbaday inuu gobolada dalka ku soo dabbaalo wax uu ugu yeedhay sharciga iyo kala dambaynta.
Mudanahan ayaa dhinaca kale xildhibaanadda golihiisa iyo masuuliyiin ka tirsan dawladdaba ku eedeeyay inay ka shaqeeyaan hawlo aan loo dooran ama aan loo diran.
Xildhibaan Rooble Muuse Xoosh oo shalay saxaafadda kula hadlay golaha deegaanka Boorama ayaa ugu horreyn ka hadlay Arrimaha xildhibaanadda golaha ayaa yidhi. “Waxaan aad shacbiga deegaanka Boorama uga raalli gelinaynaa xilkii ay noo soo doorteen oo aan ka soo bixi weynay, inta badanna xildhibaanadii u leexdeen inay ka shaqeeyaan arrimo aan loo diran dadweynhuna u soo dooranin,. Arrintani kuma eka oo keliya xildhibaanadda ee waxaad mooddaa in cid kastoo ka tirsan maamulka dawladda heer gobol, heer Degmo ilaa masuulyiinta Sare badankoodu ka shaqeeyaan arrimo aan dan u ahayn bulshadda.
Wasiirka arrimaha gudaha oo isaga masuuliyadi ka saarantahay arrimaha gobolada iyo degmooyinka waxan u soo jeedinayaa inuu u soo jeesto waxa ka dhacaya gobolada dalka iyo degmooyinkiisa sharcigana ku soo dabbaalo, sabatoo ah hadii sharciga iyo kala dambaynta la laabo wax kala soconayaa ma jiraan, maamulka dawladda ee gobolada dalkuna wuu kala daadanayaa hadii lagu daayo sida aya maanta yihiin .” ayuu yidhi