Hargeysa, Somaliland October 28, 2014 (Codka Hargeysa) – Wasaarada arimaha gudaha somaliland ayaa gadiid ku wareejisay qaar ka mid ah gobolada dalka oo loogu tala galay inay ka qayb galaan hawsha diwaangelinta madaniga ah ee dalka ka socota.
Gaadiidkan ayaa loogu tala galay inay ka hawl galaan hawlaha ku sabsaan diwaangelinta madaniga ah ee gobolada dalka, iyada oo dhawaana wasaarada arrimaha gudaha sida ay shegeen mamulka wasaradasi, inn ay soo gaadhi doonaan gaadiid kale oo loogu tala galay sii ay wada gadhan gobolada dalka oo dhan.
Agaasimaha maamulka ee wasarada arrimaha gudaha oo uu wehelinayo madaxa gadiidka isla wasaradas ayaa si wada jira uga hadlay gaadiidkan ay ku wareejinayaan qaar ka mid ah mamulada gobolada dalka, waxaanay sheegeen inay gaadiidkani yihiin hormadii koowaad ee ay wareejinayso wasarada arrimaha gudaha sii ay hawlaha ka sii diyaargaroobi lahayeen.
“Waxaanu maanta halkan ku wareejinaynaa gaadiidkii loogu tala galay goobaha diwaan gelinta madaniga ah, waxaanan rajaynaynaa inay si fiican u gudan doonaan hawlaha loogu tala galay, waxaanan dadweynaha u soo jeedinaynaa inay is diwaan geliyaan oo ay muujiyaan muwaadinimadooda.” Sidana waxa yidhi agaasimaha maamulka ee wasaarada arimaha gudaha somaliland Maxamed Dube Cisman.
Sidoo kale, waxa isna halkaas ka hadlay madaxa gaadiidka ee wasaarada arimaha gudaha somaliland Cali Xasan Waqooyi, oo isaguna ka hadlay gaadiidkan oo ay ku wareejinayeen ayaa waxa uu sheegay inay tahay hormadii koowaad ee gaadiidka loogu tala galay diwaan gelinta madaniga ah waxaanu yidhi
“Waxaanu maanta wareejinaynaa hormadii koowaad ee gaadiidka ah ee loogu tala galay diwaan gelinta madaniga ah ee dalka ka socota, waxaanay gaadiidkani ka hawl gali doonaan kolba gobolka ay diwaan gelintu ka socoto, waxaana dhawaan ina soo gaadhi doona qaybtii labaad ee gaadkii loogu tala galay diwaan gelinta oo haatan dekeda Berbera soo gaadhay.”
Gobolka Gabiley oo ay dhawaan ka bilaabmi doonto hawsha diwaangelinta madaniga ah ayaa lagu wareejiyey gaadiidkan, iyadu lagu wareejiye oo uu mahad celiyey taliyaha qaybta booliiska ee gobolkaas Cabdilahi Xasan Farax.
Si kastaba ha ahaatee diwaan gelinta madaniga ah ayaa haatan ka socota gobolka Maroodi Jeex iyada oo ay dadkuna haatan u muuqdaan kuwo ku soo badanaya goobaha ay ka socoto hawsha diwaangelintu, iyadu hore dadku anay sidan oo kale anay uga muuqan.