Dubia, October 28, 2014, (Codka Hargeysa) – Shir saameeya Soomaalida oo Somaliland ku jirto ayaa shalay ka furmay Imaaraadka Carabta.gaar ahaan magaalada Dubai.
Shirkan ka furmay shalay dalka isu-taaga imaaradka carabta UAE oo ku sabsan la dagaalanka kooxaha budhacad badeeda waxaa ka soo qayb-galey ururka Midowga Europe, NATO, Japan iyo UAE.
Labadii sano ee ugu dambeyeey, waxa xoog hoos ugu dhacay fal-dambiyeedyadii ka dhaci jirey bada, in kastoo aan ilaa hadda la dhayalsan Karin awoodda kooxaha budhcad badeedda ah, iyadoo wali hawshaasi aanay soo wada dhamaan, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka socday ururka midowga Europe oo u qaabilsan xafiiska la dagaalanka budhcad badeeda.
Hawlaha la dagaalanka budhcad – badeeda ay wadaan ciidamadda badda ee midowga Europe iyo ciidamada NATO ayaa qayb laxaad leh ka qaatay la dagaalanka budhcad badeeda hoos u dhac weyni ka jiray labadii sano ee ugu dambeeyey 2012 – 2014. “Halista dhanka budhcad badeedu wali way jirtaa iyadoo halistaasi jiri doonto ila xal laga gaadho bahiyaha nolosha bini aadamka, anaggoo haatan ku hawl jirna siddii loo dabooli lahaa bahiyaha” Sidaana waxa yidhi Alessandro Mariani oo ah madaxa u qaabilsan la dagaalanka budhcad badeeda ee Midowga Europe.
Shirkan ay ururka la dagaalanka budhcad badeeda oo la aas-aasay sanadkii 2008, ka dib qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobey UN, waxa ururka midowga Europe bilaabay hawlgalo ay ugu magac dareen “Operation Atalanta” kaasoo la filayo inuu dhamaado bisha December 2016.
Markabka ciidamada midowga Europe ee lagu magacabo “ITS Andrea Doria” ayaa ku sugan wakhti xaadirkan dekadaa magalada Dubai ee dalka UAE, halkaas oo ka furmay maalintii shalay shir ay soo qaban qabiyeen ururka la dagaalanka budhcad badeeda xeebta Somalia oo ururka midwoga Europe hoggaamiyyo. waxana shirkaasi ku furmay jawi degan oo ay kulamo gaar ah ku qaateen shirkadihii iyo ururada kalla duwan ee ka caawiya ururkan mashruca ilaalinta biyaha gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.
Masuuliyada kowaad ee ay ciidamada bada ee EU-du ay qabtaan “Operation Atalanta” ayaa ah sidii ay uu ilaalin lahayeen wixii muwaacino ah ama weelka sida cuntooyinka ay hay’adda raashinka u qaabilsan qaramada midobay ee WFP u dirto dalka Somalia. “Xaalada wakhitigan is badel weyn ayaa ka muuqda labadii sano ee u dambeeyay gaar ahaan. waxaanad arkaysaa horumar marka loo eego dhinacyada amaanka bada marinka ay maraakiibtu marto.
Muhimada, imika aann culayska saarnay waxaa weeye, sidii aanu u baladhin lahayn ciidamada xeebta ee Coast guard-ka iyo kaydinta macluumaadka ee dhacdooyinka bada” sidaana waxa yidhi Rear Admiral Guido Rando, oo ah sarkaalka ugu sareeya ee ciidamada qaabilsan bada EU-da.
Sanadakan waxa keliya oo la kaydiyay laba fal danbiyeed, iyadoo taasi muujisay hoos u dhac weyn inuu ku yimi Budhcadbadeedii marka loo eego sanadadii hore oo tirada aad uga badnayd. Waxana mandaqada Geeska Afrika sanadkii 2010-ka ka dhacay kiisas tiiradoodu gadhayso iala 47 halka sanadkii 2009 ay ahaayeen 46 dhacdo iyo sanadkii 2011 25 weerar falalka budhcad badeedu ka fuliyeen xeebta dalka Somalia.
Dalka UAE wxa ay ka mid tahay 60 wadan oo ku bahoobay Contact group arrintan iska kaashada. “Marka laga reebo marti gelinta shirarka la dagaalanka budhcad badeeda, dalka UAE waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadatay mandaqada oo dhan. Sanadkan dalka UAE waxa hormood ka ahaa aassaaska koox lagu magacaabay Maritime Counter-Piracy and Mitigation operation, iyaddoo la kaashatay dalalka Japan iyo Seychelles” sidaana waxa yidhi Alessandro Mariani oo ah wakiilka ku xigeenka xafiiska EU ee arrimaha gudaha.
Dhaqaalaha aduun weynuhu ku bixiyay hawlahan la dagaalanka budhcada ayaa lagu tilmaamay inay dhantahay 11 billion oo dirham, taasoo keentay hoos u dhac weeraradii Budhcad badeedda. Iyaddoo lacagta la wariyay in qayb ka mid ah lagu taageero Somalia iyo Somaliland ciidamadooda. “Dhaqaalaha madax-furashada lagu bixiyaa waxaa uu gaadhaaa lacag billions ah oo saamayneysa dhaqaalaha aduunka, hoos u dhaca weerarada budhcad badeeduna waxa uu kaydiyay lacag gadhaysa $3 billion oo doolar sanadkiiba” sidaana waxa yidhi Mr. Mariana oo ah masuulka uu qaabilsan ururka EU-da la dagaalanka budhcad badeeda.
Shirkan waxaa ka furmay isu tagga immaarada Carabta waxaa ka qaybgalay sidda warku sheegay madax ka socota Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda dalkaasi, laakiin, warku ma cadayn cid Somaliland ka socota oo tagtay.