Qalinka: C.I.C. (Cali Duulduul)
Qaafo: Markaa, haddii ay weynaani wax tarayso intaa aan soo sheegayba sidaas ayay u kala horraysay wax u siyaadayna ma jiro.
Kala-maan: xaajiyo , macnahaan u jeeday wuxuu ahaa in aan siyaasadda oo aad u dhuun daloosho wax kaa weydiiyo.
Qaafo: horta haddii aan kuu sheego siyaasadda taalla Soomaaliya oo dhan. Waxa weeye ama ay la mid tahay sida dadka isku qabsada baloodhad dhulka ah Ee marka ay maxakamadaha isla yimaadaan mid waliba mulkiyadda sharciga ah la soo baxo. maxakamadduna aanay kala saarin.isla markaana aanad kala garan ka gar leh iyo kan gar daran. Kiiskuna waa hayska socodo.
Kala-maan: ee xaajiyo, dee iminka sidii hore ma tihid. Eeyaahee bal hadalka kala saar si loo fahmo.
Qaafo: horta, markaan ku leeyahay weynaani wax ma tartee adiga miyaan caqli kuu kordhin waxaasaan arkayay. Tacabkii aan ku geliyayna inuu qasaare yahay buu iigu muuqdaa.
Kala-maan: ee Qaafo maanta ma’igiibaad iga bilawday? Oo dadka wax haw faa’iidaysaan is-lahaaye anigiibaad igu laydhisee.
Qaafo; waar maxaan kugu laydhiyaya anigu magaadhaan wataa mise toosh baan sitaa?
Kala-maan: ee mayee waa af-ka dhalinyarada dambee. Iga raalli noqo oo sheekada halkeenii iiga siiwad. Dee mulkiyadahaan garan waayaye, dawladaadii Soomaaliya ma baloodhbay noqotay?
Qaafo: maya! May noqonne waxaan uga jeedaa. Ninbaa xill loo doortaa oo masuuliyada la saaraa, sharcina waa loo dejiyaa oo la yidhaahdaa ku shaqee, inta aan isaga khalad iyo sax midna ka soo baxin ayaa mid meel iska taagani yidhaahdaa “sharcigiibaa lagu tuntay, waxbaa la qarribay, dalkii dhacan, dunidii la boob, wallaahi inaan lagu kala baxayn” hadda gara oo ka sidaa u hadlayaa waxba kama bedeli karo. Kii xilka loo dhiibayna wuxuu leeyahay “wuu iska hadlayaaye waxaasaan hagaajiyay, waxaasaan qabtay, waxaasaa ii qorshaysan” kii kalena halkanuu la soo liganyahay “waa beentii waxba kama jiran waa kan, waa kii” markaa miyaanay ahayn labadii mulkiyadood.
Kalal-maan: oo Qaafoy kuwaad soo sheegtay maxakamad bay isla tegeyeene. Kuwani halkay isla tegayaan? Tolow maxakamadoodu waa tee?
Qaafo: waar ba’a caruureey cayntaa ba’day. Dee waxa weeye bulshada. Oo halkay dantoodu ku jirto aan garanayn laakiin waxay bulshadu garanaysaa inay kala raacaan. La soco qaybaha dambe …………….
Cali Ismaaciil Carab (Duul-duul) 0634414633