Hargeysa (CH)- Labada xisbi mucaarad ee Somaliland ee UCID iyo WADDANI, ayaa ku eedeeyey xukuumadda talada haysa ee xisbiga KULMIYE inay wado carqalado ka dhan ah hawlaha u diyaar-garowga doorashooyinka si ay u hesho muddo-kordhin loo sameeyo.
Masuuliyiinta labada xisbi mucaarad oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa maanta, waxay ka sheegeen in xukuumaddu ka dambayso khilaafka ka taagan Golaha Wakiillada ee ku saabsan xeerka diiwaangelinta, isla markaana ay doonayso in aan la ansixin Komishanka cusub.
Guddoomiye-ku-xigeenka 3-aad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) oo ugu horreyn shirkaasi jaraa’id ka hadlay, ayaa xusay in khilaafka la isku hayaa yahay qabashada doorashada, isagoo si gaar ah ugu eedeeyey Madaxweyne Siilaanyo in aanay qowlkiisa iyo ficilkiisu is lahayn.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Dagaalkan socdaa maaha mucaarad iyo Muxaafad ee waa dagaal ay is hayaan doorasho-doonka Somaliland oo xal doon ah iyo doorasho-diidka Somaliland oo xal la’aan inagu wada, taana hore ayeynu u aragnay.
Waxa nasiib-darro ah Madaxweynaha qawlkiisa markaanu eegno, waxa uu yidhi ‘anigu muddadii xilka la ii igmaday maalin ku darimaayo,’ saw madaxweyneheennii maaha oo in aynu rumaysano maaha, intaas oo jeer buu ku celiyay oo intaas oo safiir baa soo maray oo cid walba wuxuu u sheegay in doorashadu waqtigeedii ku qabsoomayso, diyaar uu u yahay, kaalmo ayuu waydiistay waa laga aqbalay, waa qawl.”
“Qowlkiisu waa doorasho doon, ficilkiisuna waa doorasho diid, dhinac ha isugu guuro oo Xirsi, Cali Mareexaan iyo Balaaki ha dhegaysto cid u nasteexa malaha maahee ama ummadda ha soo raaco oo marka wax loo sheego gar ha qaato oo cidda u nasteexa ah iyo nacabkiisa ha kala garto,” ayuu yidhi Cali-Guray.
Waxa kale oo uu tilmaamay in xukuumadda iyo xildhibaannada Golaha Wakiillada ee taageersaniba ka been sheegeen magaca xeerka diiwaangelinta oo uu sheegay inuu sax ku yahay Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha, balse ay ku sheegeen Xeerka Diiwaangelinta Madaniga ah.
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa ka difaacay Guddoomiyaha xisbigiisa iyo Golaha Wakiillada inuu wax khalad ah ku sameeyey xeerka diiwaangelinta, isagoo ku macneeyey sababta muranka xeerka iyo ansixin la’aanta komishanka tallaabo lagaga hortagayo in doorasho dalka ka dhacdo.
Xoghayaha Guud ee Waddani waxa uu yidhi, “Xeerkan wax allaale wax dhib ah oo ku jirtaa ma jiro, halkee lagu dhamaystaa arrinta, waa gole wakiillo, guriga Saylici inay kaga hadlaan maahe ee waxay ku dhammaysan lahaayeen Golaha Wakiillada wixii golaha khuseeya. Golaha Wakiillada waa la isugu yeedhay shir baa la qabtay maxay u diidayaan? May waxay hayaan halkaas ka sheegaan? Maxay u diidayaan in la ansixiyo komishanka la magacaabay ee loo lugaynayaa? Waxa meesha ka socdaa waa inaan doorasho dalkan ka dhicin oo faraha la iskula tago, laakiin ummadda waxaannu ugu baaqaynaa nabadgalyadaas ay inoogu yimaadeen inay inagaga tagaan oo aynu ilaashano.”
codkahargeysa.com
codkahargeysa@gmail.com