Hargeysa (CH)- Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo tirsan Mudanayasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shaaciyey inuu dhawaan Magaalada Gabiley ku qaban doono tartan kubadda Cagta ah oo lagu maamuusayo Marxuum Cabdilaahi Suldaan Tima-cadde oo ahaa Gabayaa si weyn looga yaqaano dhulka Soomaalida.
Tartanka oo ay ka ka qayb-qaadan doonaan kooxaha heerka koowaad ee ka dhisan magaalooyinka waaweyn ee dalka, ayaa lagu in bisha dambe 10-keeda uu ka qabsoomo magaalada Gabiley.
Xasan Cawaale oo maanta saxaafadda kula Hadlay magaalada Hargeysa, ayaa soo bandhigtay Koob uu ugu talogalay inay ku tartamayaan Siddeed kooxood oo heerka koowaad ah, kuwaas oo isaga kala iman doona magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyada oo tartanka lagu qabanayo magaalada Gabiley ee xarunta gobolkaas.
“Halkan waxaan ku shaacinayaa Koob ama tartan aan maalgelinayo oo lagu qaban doono Gobolka Gabiley, kaas oo ay kasoo qaybgeli doonaan Sddeed kooxood oo heerka Koowaad oo ka kala imanaya Magaalooyinka Hargeysa, Gabiley iyo Boorama,”ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale.
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray, “Kooban, waxaanu ku xusaynaa Cabdilaahi Suldaan Timacadde oo Gabyaa caan ah ahaa, iyadoo gabayada lagu xasuusto ay kamid ahaayeen ‘Dugsi maleh qabyaaladi wax ay dumiso mooyee’ iyo qaar kale oo badan, waxaana aanu halkaas kusoo bandhigi doonaa Gabayadiisii Waxtarka lahaa, waxaana aanu ku wadnaa in tartankaasi uu si fiican u dhici doono, waxana uu dhici doonaa Bisha soo socota ee November tobankeeda,”ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan.
Codkahargeysa.com
codkahargeysa@gmail.com