Labada guddoomiye-ku-xigeen ee Golaha Wakiillada iyo mudanayaasha muxaafidka ah oo shuruudo ku xidhay ansixinta Komishanka Doorashooyinka

0
369

Hargeysa (CH)- Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa shaaciyey in aan goluhu ansixin doonin Komishanka Doorashooyinka ilaa la saxo, lagana heshiiyo khaladaadka ku jira Qabyo-qoraalka Xeerka Diiwaangelinta Muwaaddiniinta iyo Codbixiyeyaasha Somaliland.

XildhibaannoMd. Baashe Maxamed Faarax oo hadal ka jeediyey kulan qado-sharaf ah oo mudanayaasha muxaafidka ah ee Golaha Wakiilladu ku yeesheen Hargeysa maanta, waxa uu tilmaamay in guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro u gudbiyey Golaha Guurtida nuqul aan ahayn xeerka diiwaangelinta ee mudanayaasha wakiilladu ansixiyeen 30 September 2014, isagoo xusay in ilaa arrintaas la saxayo, guurtidana loo gudbiyo xeerkii saxda ahaa aan waxba la ansixin doonin.

 “Guddoomiyaha waannu u dhiibnay sagaalka qodob ee qaldan, laakiin Komiishan baa la hor taagan yahay iyo Madaxtooyada ayaa soo dhexgashay waxba kama jiraan, Komishanka lama diidana oo waa la ogol yahay, laakiin waa in marka hore khilaafkii Golaha Wakiillada dhexdiisa ahaa meel la isla dhigo. Wixii intaa ka horeeya wax la ansixiyaa ma jiraan, ilaa xeerkii (Diwaangelinta) sidiisii loogu gudbiyo Golaha Guurtida. Golihii fasax ayuu ku jiraa ilaa 8-da bisha 11aadna arrintaasi waxay gacantiisa ku jirtaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, cid dhex dhexaadin karta iyo cid kale oo ka hadli kartaana ma jirto inta Goluhu arrintooda dhameysanayaan,” ayuu yidhi Md. Baashe Maxamed Faarax.

Waxaannu tilmaamay in aanay beesha caalamka iyo cid kale toona golaha wakiillada ku khasbi karin ansixinta Komishanka Doorashooyinka ilaa inta la saxayo xeerka diiwaangelinta, waxaannu yidhi; “Ilaa xeerkaas (xeerka diiwaangelinta) la saxayo la furi maayo Golaha Wakiillada haddii Beesha Caalamku timaad iyo haddii AMISOM timaado ansixin mayno Komishanka Doorashooyinka ilaa xeerkaas laga heshiinayo, wax kalena socon maayaan.”

Waxa kale oo guddoomiye-ku-xigeenku khimaayo qaran ku sifeeyey mudanayaal Golaha Wakiillada ka tirsan, taageersana xisbiga WADDANI oo uu xusay inay adduunka ugu baaqeen in farogelin shisheeye lagu sameeyo Somaliland.

 “Xildhibaannada WADDANI ee raacsan Guddoomiyahooda waan maqlayey shalay (doorraad) inay lahaayeen ha na la soo dhexgalo iyo ciidamo AMISOM ah ha la keeno, waxaasi maaha wax loo dul-qaadanayo. Somaliland faro-gelin laguma samaynayo, xildhibaannada yidhi AMISOM ha la noo keeno iyo Xasan Sheekh ha nagu soo duulo, iyagaa ka jawaabi doona, waana khiyaamo qaran, waa qaran dumis ninka yidhaahda Somaliland ha la keeno AMISOM,” ayuu yidhi Md. Baashe Maxamed Faarax.

Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Md. Cali Yuusuf Axmed oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in aanay labada guddoomiye-ku-xigeen la ogayn xeerka wax-ka-beddelka lagu sameeyey ee Cabdiraxmaan Cirro u gudbiyey guurtida.

 “Waxay ahayd inaanu Guddoomiyaha la aragno xeerka loo gudbinayo Golaha Guurtida oo aannu la saxno, sidaana loogu gudbiyo, laakiin nasiib-darro xeerkii la isku raacey ayaa wax laga beddalay, Guurtiduna markay ogaadeen ayey soo celiyeen, waxayna yidhaahdeen xeerkani maaha kii Goluhu isku raacey ee soo saxa,” ayuu yidhi Md. Cali Yuusuf.

Mudanayaasha muxaafidka ah ee Golaha Wakiillada, ayaa sidoo kale xukuumadda ka difaacay eedaymo ay u jeediyeen xildhibaannada mucaaridka ah iyo guddoomiye Cirro, kuwaasoo la xidhiidhay in xukuumaddu doonayso muddo-kordhin loo sameeyo, isla markaana aanay diyaar u ahayn qabsoomida doorashooyinka, waxayna mudanayaasha muxaafidka waxba kama jiraan ku tilmaameen eedahaas, iyagoo dhinacooda mucaaridka iyo guddoomiyaha Wakiillada ku eedeeyey wax is-daba marin aan sharci ahayn oo uu ku kacay.

codkahargeysa.com

codkahargeysa@gmail.com