Borama, Somaliland, October 25, 2014, (Codka Hargeysa) – Daahir Jaamac Muuse oo loo yaqaan Daahir “Fiftiin ” ayaa sheegay inuu yahay musharraxa mansabka madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Waddani doorashooyinka soo socda.
Siyaasi Daahir Jaamac oo dhawaan uun biiray xisbiga Waddani, horena uga tirsanaan jiray xisbbul xaakimka Kulmiye ayaa shir jaraa’id oo u ku qabtay Huteel Oslo ee Boorama ku sheegay oo kale waxyaalaha uu qaban doono ama ku soo kordhin doono dalka hadii uu mansabkaasi ku guuleysto,isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi. “Anigoo ah Daahir Jaamac Muuse loona yaqaan Daahir Fiftiin waxaan maanta laga bilaabo ahay musharra u taagan mansabka Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani doorashooyinka soo socda. Anigoo ku kalsoon inaan ku guuleysan doono. Waxaanan ballan qaadayaa hadii aan ku guuleysto inaan wax badan ku soo kordhin doono dalka isla markaana aan noqon doono nin dalka oo dhan madaxweyne u ah, balse aanan ahaan nin madaxweyne ku xigeen u ah gobollo iyo degaanno gaar ah. Waxaanan u gurman doonaa meel kasta oo shaqaaqooyin ka dhacaan laga bilaabo Sool ilaa Saylac, anigoo ku dedaali doona midnimada shacbiga dalka.
Waxa kale oo aan madaxweyne Siilaanyo xubnihiisa wasiirada u soo jeedinayaa inay iska daayaan ololaha ama kaambaynka ka dhan ah guddoomiyaha xisbiga Waddani,Cabdiraxmaan Cirro. sababtoo ah mar kasta oo madaxweyne Siilaanyo iyo xubnaha golihiisu London socdaal ku tagaan kuna soo laabtaan caasimadda waxaa ay bilaabaan olole ka dhan guddoomiyaha, malaha xafiis London ku yaalbaa talooyinka caynkaas ah madaxweynaha iyo wafdiyadiisaba soo siiya oo lagu soo faro in Guddoomiyaha la iska qabto’
Daahir Jaamac ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii dhawaanta xisbigaasi Waddani ku biirtay markii uu guddoomiye Cirro booqashada ku tagay magaalada Boorama, isagoo halkaa ka jeediyey khudbad uu eedeymo badan ugusoo jeediyey xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye, isagoo haatanna sheegay inuu ka mid yahay musharraxiinta xisbigaasi ee mansabka Madaxweyne ku xigeenka balse an la ogeyn xubnaha kale ee kula tartami doona mansabkaasi ee ka soo jeeda gobolka Awdal.