Maamulka Golaha Deegaanka Boorama Iyo Bilowga Jid Muddaba Qayladhaantiisu Socotay

0
403

Boorama, Somaliland, October 25, 2014, (Codka Hargeysa) – Maamulka Golaha deegaanka Boorama ayaa shalay  bilaabay dhismaha jid laami ah oo in muddo ahba dadweynaha ku nool wawooyiga magaaladaasi aad ugu qaylinayeen.

Sida uu ku soo waramay Wariyaha Saxafi ee Gobolka Awdal, Jidkan Laamiga ah  ayaa waxa uu ka mid ahaa jidad maamulkii hore ee golahaasi banneeyay, balse wakhtigu ka dhacay intii aanay Laamiga saarin, waxana hawshiisa haatan iska kaashanaya Maamulka golaha deegaanka, hay’adda jidadka ASERDA iyo dadweynaha xaafadaha Sheekh Cali oo qaadhaan ay ku kabayaan hirgelinta jidkaasi muddada la soo taagnaa.

Ku simaha Maayarka Boorama, ahna ku xigeenka Duqa magaalada Maxamed Maxamuud Dheerayste oo isagu hor kacayay hawsha jidkan, ayaa sheegay in jidkan oo dherekiisu gaadhayo ilaa laba Km uu culays weyn ka dejin doono marka loo eego cabashada jidkaasi uga imanaysay gaadiidleyda ka shaqaysata jidkaasi iyo dadweynaha xaafahaasiba, kuwaasoo jidkaasi u yahay marinka keliya ee loo soo mari karo faras magaalaha iyo goobaha adeegyada.

Jidkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee golaha  cusub ee deegaanka Boorama ka hirgeliyo magaalada  ku dhawaad sanad iyo badh ay xilka hayeen, hase yeeshee is qabqabsi dhawaanahan ka dhacayay dhexdoodu  uu dib u dhigay hirgelintiisa.