By: Siciid Maxamed Bile, agaasime waaxeedkii shaqaalaha ee hay’adda SOLNAC
Waxaan qoraalkan idiinku soo gudbinayaa dhacdo ugub ah oo xil aan ka hayey Guddiga Qaran ee la dagaalanka Hiv/Aidka SOLNAC uu agaasime waaxeed aan isku taytal-nahay igaga qaaday. Ninka xilka iga qaaday waa agaasimaha maamulka iyo lacagta SOLNAC Cabdikariim Xinif.
Cabdikariim Xinif, waxaan isku af dhaafnay dil ka dhacay Qori-lugud oo laba sarkaal oo ciidanka qaranka ahi ku dhinteen, ka dib markii agaasime Xinif aan ku idhi Allaha u naxariisto dheh iyadoo uu wax kale iigu jawaabay. Wixii markaas ka dambeeyeyna Cabdikariim Xinif igula kacay arrimo ka baxsan nidaamka dawladeed.
Wuxuu markiiba igu bilaabay inuu iga hor-joogsado qalab Xafiis oo aan qaranka ugu shaqayn lahaa oo aan ka dalbaday, ka dibna dagaal gacan ka hadal ah ayuu iila yimi markii aan ugu tegey si aan u qaato gunno lacageed oo aan xaq u lahaa, gacan ka hadalkaas oo keenay inuu iila soo baxo Soodh markii dambe shaqaaluhu ka qaadeen, aniguna waxaa aan gacanta kaga muday qalin. waxana uu intaa ka dib sameeyay qoraal uu shaqada igaga joojinayo, qoraalkaas oo uu la kaashaday agaasimaha Guud ee Solnac oo la yidhaahdo Cabdi Cali oo aan isagu wax dood ah ka keenin qoraalkaasi sax iyo qalad midkuu ahaa.
Markaan dib u raaco maamulka Cabdikariim Xinif ku haysto Hay’adda Solnac, waxay cid kastaa ogaanaysaa in hay’addaasi tahay mid isaga u xidhan. Cabdikariim Xinf wuxu hore warqad ugu eryay agaasimihii hore ee SOLNAC Maxamed Daahir Khayre, waxa kale oo uu xafiiska ka saaray haweenay Xisaabaiye ahayd oo markay ka yaabtay boobka iska diidday inay la saxeexdo qoraalada bixinta kharashayadda, ka dibna waxaa uu gabadhaasi u diray gurigeeda.
Haddaan ka hadlo miisaaniyadda hay’adda Solnac iyo deeqda UNDP waxa iska maamusha Cadikariin, laba gaadhi oo miisaaniyadda noogu jireyna, waxa lagu beddelay laba gaadhi oo ay Cabdikariin iyo Cadi Cali lahaayeen oo lambarada dawladda lagu dhejiyey, shaqaalihii wuu kala diray oo fasax ayuu siiyey, isagoo dhinaca kalena maalinta qof ajnebi ahi yimaaddo aan kasoo xaadirin shaqada. Xarumaha SOLNAC ku leedahay Boorama, Berbera iyo Burco oo aan u weydiiyey kharashyo lagu socodsiiyo hawlahooda, wuxuu iigu jawaabay waxba uma hayo. maxaad ula tashan weyday Guddoomiyahaaga oo aan weydiiyayna wuxuu iga siiyay jawaab u ku yasayo agaasimaha. Boorama dadka xanuunka Hiv/AIDSka la nool waxa gargaar u fidiya ururka samafalka ee Talo-wadaag. isaguna wuu diiday inuu dadkaasi wax gargaar ah ka siiyo kharashyada SOLNAC. waxanan filayaa ama cid kastaa ogtahay meesha Xinif ka keenay awoodda uu igu erayay iyo tan uu ku lunsanayo hantida umadda, waxanse kula talinayaa oo aan leehay. “Xinifoow Durduro Geelbaa ku jaba”