Qoraal Loo Gudbiyay Qaramada Midoobay Oo Shaki Galiyay Hawlgalada Baadhista Shidaalka Somaliland Iyo Ciidamada Cusub Ee Loogu Talagalay Amniga Shirkadaha

0
343

Hargeysa, Somaliland, October 25, 2014, (Codka Hargeysa) – Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada cuna-qabateynta hubka saaran Somalia iyo Eritrea ayaa ka digey xasillooni darro ka dhalata Shidaalka iyo ciidamadda cusub ee Somaliland ugu talagashay ilaalinta hay’adaha ku shaqada leh.

Dawladda Somaliland ayaa dhowaan [Sept 27, 2014] meel marisey dhismaha ciidamo gaar ah oo hawshoodu noqon doonto ilaalinta goobaha shidaalka laga baadhayo oo lagu magacaabo OPU (Oil Protection Unit).

In kastoo Somaliland ku wargelisey 8-da xubnod ee gudiga baadhayaasha madaxa bannaan ee Qaramada Midoobey ka kooban yahay inay ka go’an tahay dhowrista cun-qabateynta hubka iyo amaanka gobolka Geeska Afrika, hadana, waxaa ay guddigani ku dooday in ay tallaabadaasi horseedi karto iska hor imdaadyo hubeysan oo dhex mara Somaliland iyo Puntland oo ay ka dhaxaysiiyeen Gobolka Sool ee Somaliland, kaasoo ay ku tilmaameen in lagu muransanyahay. Iyadoo la tixraacayo macluumaadka aan dhameystirneyn ee dabeecada gobolka Sool uu ka bixiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, kooxda  dabagalka cuna-qabateyntu waxay walaac ka muujisay ciidanka OPU waxayna Somaliland kula talisay inaanay isku dayin hub iyo tababareyaal inay dibadda ka keento iyadoo aan haysanin ogolaanshaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. “Kooxdu waxay dalbatay wada-hadal  siyaasadeed si loo xalliyo muranka la xidhiidha qaybinta khayraadka Soomaaliya iyo in la joojiyo dhammaan dhaq-dhaqaaqyada ganacsi ee la xidhiidha shidaalka” warbixinta ayaa sidaa lagu sheegay.

Kadib markii ay la hadleen shirkadda Assaye Risk oo ah shirkad ka shaqeysa qiimeynta khataraha iyo dhismaha ciidamada gaarka ah, baadheyaasha Qaramada Midoobay waxay ogaadeen in Somaliland diyaarisay sida ay sheegeen ciidan ka kooban 580 askari oo laga soo xulay booliska iyo ciidamada qalabka sida.

Shirkaddaas oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada OPU ka koobnaan doonaan lix horimood oo guur guura mid kastana 36 askari ka koobnaan doono, ciidankaasoo shaqadiisu noqon doonto inay raacaan islamarkaana ammaankooda sugaan shaqaalaha shirkadaha shidaalka.

Somaliland ayaa heshay sida warku sheegy qoraal u ogolaanaya shidaal baadhista kadib muddo dheer oo ay caqabad ku ahaayeen Dawladda Federaalka ee Somaliya iyo maamul goboleedka Puntland. waxayna heshiisyo shidaal baadhis ah la gashay shirkado ay kamid yihiin: Genel Energy, Rakgas, DNO iyo Ansan Wikfs, kuwaasoo dhowaan hawlaha sahaminta shidaalka deegaano Somaliland ka tirsan ka bilaabi doona.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ee arrintan Wargeyska Saxafi wax ka weydiyay waxaa ay ku doodeen in Somaliland looga baahan-yahay feejignaan dheeraad ah oo la xidhiidha dagaalada aan kala go’a lahayn ee ay kooxaha Somalia ku hayaan dedaaladeedda.

Bishii April 25-keedii ayaa ciidamda Somaliland waxay ku ruqaansadeen tuulada Holhol oo ku taalla gobolka Sool iyadoo sidoo kale cutubyo ka tirsan ciidamadu sugeen amaanka dhawr goobood oo istaraatiiji ah oo Gobolada Somaliland ee shidaalka qaniga ku ah ka tirsan.

Sidaas oo ay tahay, maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa muddo dheer ku jiray isku day uu doonayo inuu muran ku galiyo deegaano ka tirsan goboladda Barigga Somaliland, kuwaasoo qaarkood uu ku guulaystay inuu u ekeysiiyo deegaano lagu muran sanyahay.