Amsterdam, Holland, Octobar 25, 2014 (Codka Hargeysa) – Hay’adda Amnesty International oo xuquuqda aadanaha u doodda, ayaa warbixin ay soo saartay dawladda Holland ku eedeysay inay dad soomaali ah oo qaxooti ah ay doonayso inay qasab ugu soo celiso Soomaaliya.
Amnesty ayaa ugu baaqday in dowlada Netherlands inay bedesho qaabka iyo xeerarka qaxootiga dalkeeda ku nool, isla markaana ay xurmeyso xuquuqda dadka magan-galyo doonka ah ee dalkeeda imaanaya.
Sidoo kale, hay’adda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in tixraacyo dhowr ah oo ay sameysay ay ku ogaatay in Axmad Siciid oo ah wiil Soomaaliyeed oo 26-sano jir ah ay Holland dib ugu celisay, isagoo dalkaas ku noolaa 20-sano.
Dhanka kale, Afhayeenad u hadashay waaxda socdaalka ee dalka Netherlands ayaa BBC-da u sheegtay in codsiyada dadka megengelyo doonka ah loo qiimeynayo si shaqsi-shaqsi ah, qiyaastii 30-qofna ay dib ugu celiyeen Soomaaliya sannadkan 2014-ka oo keliya.
Bishii May ee sannadkan ayay Qaramada Midoobey ku boorisay dalalka ay ku nool yihiin qoxootiga Soomaaliyeed inaysan ku celin meelaha ay noloshoodu halista tahay, sida deegaannada ay ka taliso Al-shabaab.
Dalka Hollan waxa dhowaan iska dhiibay Fanaaniinta Waayaha Cusub oo sheegay in dalka Kenya doonayaan inay soomaaliya dib ugu celiyaan haddii ay dib uga soo noqdaan dalkaasi Holland oo ay u tageen tartan caalami ah oo faneed.