Qorshaha Siyaasadda Qaran Ee Cudurka EBOLA Oo Maanta laga soo saarayo Shirka Golaha Wasiiradda
Hargaysa,Somaliland October 23, 2014 (Codka Hargeysa) – Xukuumadda Somaliland, ayaa shalay kulan la yeelatay hayadaha Qaramada Midoobay ee dalka ku sugan,kulankaasoo lagaga wada hadlay laguna dersayay sidii looga hor tegi lahaa cudurka EBOLA oo haleelay dalalka galbeedka Afrika isla markaana ku dilay kumannaan ruux oo u dhashay wadamadda galbeedka Afrika.
Kulankan lagaga hadlayay halista cudurka EBOLA iyo sidii looga hor tegi lahaa wada jirna wax looga wada qaban lahaa oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Somaliland isla markaana ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland,ayaa lagu soo bandhigay macluulaad la xidhiidha cudurka EBOLA,qaabka ugu habboon ee looga hor tegi karo iyo sida loogu baahan yahay in wada jir wax looga qabto ka hor taggiisa.
Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Wasaaradaha Caafimaadka,Qorshaynta Qaranka,Duulista Hawada ,Arrimaha Gudaha iyo Hayadaha Qaramada Midoobay ee dalka ka hawl gala,ayaa lagu lafo guray sida ugu wanaagsan ee la iskaga kaashan karo ka hor tagga cudurka EBOLA.
Ugu horeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame oo kulankaa ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada kulankan oo Hay’addaha ay ka wada shaqeeyaan Caafimaadka ee WHO, UNICEF IOM ay kala soo qeyb galeen ay ku soo casuumeen dhamaan daneeyaasha arrimaha caafimaadka iyo Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka,Duulista Hawada iyo laanta socdaalka Somaliland .
Waxaanu intaa ku daray Dr Cismaan in ay kulankan u soo qaban qaabiyeen diyaar garoobi lahaa inaan cudurka Ebola ugu soo gudbin dalka, Somaliland maadama ay jiraan ilaa 53 goobood oo dalka laga soo galo.
Agaasmaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar-sayid oo kulankaa ka hadlay ayaa sheegay in ay ka hor tagga cudurka EBOLA hore ugu dhaqaaqeen isla markaana ay ku war galiyeen diyaaraaha soo qaada rakaabka ee dalka yimaada in ay soo qaadi karaan oo kaliya rakaab sita waraaqo caafimaad oo wakhti dhaw ah,waxaanu intaa ku daray in ay madaarka caasimadda Hargeysa ka sameeyeen xafiis ay siiyeen wasaaradda caaimaadka oo lagula soconayo dhammaan dadka madaarka ka soo degaya xaaladooda caafimaad waxaanu ballan qaaday in ay madaarada kale ee dalkana ka samayn doonaan isagoo intaa ku daray in ay ogsoon yihiin in ay madaaradu yihiin goobo xuduud ah oo dalka laga soo galo.
“Waxaanu Nairobi ku war galinay in aanay dalkooda ka soo dhoofi Karin cid aan sidan waraaqo caadimaad oo wakhtigoodu dhaw yahay oo ugu badnaan baadhis caafimaad soo maray toban cisho gudahood,waxaa kale oo aanu Madaarka Hargeys axafiis ka siinay Wasaaradda Caafimaadka anagoo ku baraarugsan halista cudurka EBOLA leeyahay waxaan ku talo galnay in halkaa lagu baadhi karo cidda laga shakiyo.”
Wasiir-xigeenka Caafimaadka Nimco Qowdhan oo halkaa ka hadashay ayaa sheegtay in go’aamada lagu gaadho shirkan u gudbin doonaan shirka Gollaha Wasiirada ee maanta, oo lagaga dhawaaqi doono guddi heer qaran ah oo qaabilsan ka hor-tagga cudurka EBOLA.
“ Waxaynu kulanka u qabanay in aynu ka soo saarno go,aammo iyo qorshe cad oo wax lagaga qabanayo ka hor tagga cudurka EBOLA oo ah mid aad u halis badan isla markaana haddaan wada jir looga gaashaaman lagana hor tegin aan Wasaaradda Caafimaadka oo kaliyi waxba ka qaban karayn,waxaanan kulankan ku soo marti qaadnay hayadaha dhanka caafimaadka aanu ka wada shaqayno iyo Wasaaradaha ay arrintani qusayso oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Arrimahaha Gudaha oo waaxda Socdaalku inagala joogto,Wasaaradda Qorshaynta Qaranka oo wax kasta oo qorshe Qaran ah qaynteeda ka qaadata iyo Wasaaradda Duulista oo ah xad la iskaga soo gudbo iyo marin dalka laga soo galo,markaa maanta(shalay) go,aamada halkan ka soo baxa waxaanu hor gayn doonnaa shirka Golaha Wasiiradda waxaana lagu dhawaaqi guddi qaran oo oo ka hawl gala ka hot tagga cudurka Ebola”ayay tidhi Wasiir ku-xeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan.
.
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inaan layska eegin keliya dadka ajaanibka ah ee dibedda ka imanaya balse, dadkeena ama Soomaalida oo guud ahaan ah dad socod badan laftooda fiiro loo yeesho hadii qofku soo maray wadammada xilligan xanuunka loo tirinayo inuu ka jiro
“Waad gtihiin oo dadkeenu way socod badan yihiin mana aha in aynu iska eego oo kaliya dadka ajaanibka ah ee xanuunku dalalkooda ama kuwa ku dhaw ka jiro laakiin waa in aynu aad u taxadernaa sababtoo ah ma lihin awood aynu wax kaga qabanno haddii uu ina soo galo ALLE ha inaga badbaadiyee,waxaad ogtihiin diyaaradda Itoobiya oo maalin ka sta inoo timaadda waxay tagtaa ugu yaraan 46 caasimaddo oo ku yaalla dalalka Afrika waxaana ku jira kuwa xanuunku ka jiro markaa waxaa lagama maar maan ah in aynu ku baraarugsanaanu dhamaanteen in aynu u diyaar garawno ka hor tagga xanuunka EBOLA oo aynaan ka daba tag waxba kaga qaba karayn.”
Dr Sacad Cali Shire oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay in aan Wasaaradda Caafimaadka oo kaliya in aan lagu hallayn balse loo baahan yahay in xil guud la iska saaro isla markaana laga wada shaqeeyo ka hor tagga xanuunkan isago kula dar daarmay waaxda socdaalka Somaliland in ay xuduudaha dalka oo dhan si dhaw ula socdaan cid kasta oo dalka soo galaynsa ogaadaan faya qabkeeda.
Gavin Roy oo u hadlayay hayadaha Qaramada Midoobay,ayaa dhankiisa ballan qaaday in Qaramada Midoobay ay Somaliland kala shaqaynayso ka hor tagga cudurka EBOLA oo uu sheegay in uu yahay mid halistiisa leh isla markaana u baahan in wada jir wax iyo is kaasho lagaga hor tago.
Taliyaha waaxda Socdaalka Somaliland Gen. Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay in ciidamadooda oo ku sugan dhamaan goobaha laga soo galo dalka Somaliland in ay amar ku haystaan inay baadhaan qof kastoo dalka soo gelaya xaaladiisa guud ee caafimaad , iyo baasaboorka uu sito inuu soo maray waddamada xanuunka Ebola loo tirinayo.