Hargeysa, Somaliland, October 23, 2014 (Codka Hargeysa) – Abwaan Ismaaciil Yuusuf Cabdi (Jiheeye) oo ka mid ah hal-abuurka dhalinyaradda ah ee tobankii sanadood ee ugu danbeeyayba hanaqaaday aadna uga dhex muuqday fagaarayaasha lagu faaqiddo Murtida iyo madadaaladda ayaa shaaciyay inuu u sharaxan-yahay Golaha Wakiillada doorashada soo socota.
Abwaan Ismaaciil Jiheeye oo xalay nagu soo booqday xarunta Wargeysa Saxafi ayaa waxaa uu sheegay in soo jeedimo badan oo kaga yimi wax-garadka dalka qaar ka mid ah iyo waliba taageerayaal ka tirsan beeshiisa ka dib uu ku qancay inuu shaaciyo murashaxnimaddiisa. Waxaana uu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya. “Marka hore in qofka la doorto waxna uu dooran karaa waxa ay ka mid-yihiin xuquuqaha aas-aasiga ah ee muwaadiniinta reer Somaliland ka simanyihiin Dastuuriyan. Annigoo qodobkaas ka duulaya, waxaan halkan ka cadaynayaa in aan u taagnahay ka mid noqoshadda murashaxiinta doorashadda Wakiillada ee soo socota haddii Ilaahay Idmo.
Waxaanan u shaacinayaa in aan ku wargeliyo oo warbaahintana u mariyo Taageerayaasha. Sababta oo ah markii hawshani ugu dhalatay soo jeedin iyo la tashi ka dib, “Waxaan ahay Abwaankii ugu horeeyay ee shaaciya arrintan, waxaana isu sharaxay annigoo dareensan ama ka duulaya baahidda umaddu u qabto in Golaha Wakiillada ay ka dhex muuqdaan dad xirfad ahaan iyo khibrad ahaanba kala duwan oo xeerarka loo baahanyahay oo dhan soo dhiraandhirin karra. Ta kale, waxaa jirta ka sokow gobolka aan ka soo jeeddo waxaa igu kallifay dhaqanka iyo hal-abuurka oo u baahan cid dantiisa golayaasha siyaasadda ee laga jaangooyo taladda u matasha si loo hello xeerar badan oo xirfadoodu u garba duuban-tahay. Haddii ay tahay nidaamkii qofka u illaalin lahaa wax soo saarkiisa Currinta ama hindisayaasha iyo guud ahaan xuquuqaha hantida maskaxeed. Ta kale, maadaama aanu nahay annagu in nahay dad habeen iyo maalin u taagan danta umadda inaan talooyinkayga geeyo halka talada laga gooyo”
Ismaaciil Jiheeye oo sidoo kale muddo dheer ahaa Macallin wax ka dhiga dugsiyadda sarre ee dalka waxaa uu noo soo gudbiyay Tix gaaban ayaa waxaa uu yidhi.
Ummad yahay rag iyo dumar,
Doorashada kal iyo laab,
Markaad ugu dareertaan,
Dar allee ka fiirsada,
Ninkaad door bidaysaan,
Inuu daacad kuu yahay,
Ama uu Dad iyo Maal,
Danihiina heer Qaran,
Hanan karo dul iyo hoos.
Dulucdeedu waxay tahay,
Allaa deeqda bixiyee,
Shicib yohow Nin Daallinna,
Adoon Duunyo ugu xillan,
Ninka kuu danqanayana ,
Aan ku nicin Dir iyo beel .
ama Qolo ku duudsiyin,
Kala baro Dadkaagoo,
Bulshayahay digtoonow..
Umadyahay gar iyo daw,
Diricyada u jeel qaba,
Bal dad yoow is waydii,
Kii la dooray doorane,
Darajiyo xil iyo madax,
Daganaan Cod iyo Nabad,
Dar Ilaahay ugu soor,
Oo yaan nin Dawriya,
Dalka cidi ku aaminin.