Hargeysa, Somaliland, Octobar 21, 2014 (Codka Hargeysa) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa Sheegay in aanu dalka ka talin karin xisbiga KULMIYE oo uu xusay inay ku fashilmeen shirweynihii golihiisa dhexe.
Mujaahid Boobe yuusuf Ducaale waxa kale oo uu ka hadlay hogaamiyeyaasha safarka shaqo u tagay Nairobi si ay ula kulmaan qaadhaanbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland ka caawiyo, waxaanu sheegay in aanay xisbiyadaasi wax go’aan ah la gaadhi Karin dawladaha doorashooyinka inaga taageera.
Boobe Ducaale ayaa niyad xumo ka muujiyey safarkaasi hogaamiyeyaasha xisbiyaddu kula kulmayaan qaadhaanbixiyeyaasha oo uu ku tilmaamay rag go’aanla gaadhi kara hay’adahaasi, waxaanu yidhi“Waxii ay Hargeysa ku wada gorfeeyeen ee Doorashada ku saabsanaa haddii ay fuli waayeen,maanta oo Xukumaddu ka maqan tahay oo Saddexda Gudoomiye ee Xisbiyadu is raaceen Maxaa go’aan ah ee ay la soo gaadhi karaan Nimankaas Doorashooyinka Somaliland ka taageera? Xaqiiqadu waxay tahay inaanay waxba la soo gaadhi Karin.”
Waxa uu sidoo kale sheegay in haddii Xalka Arimaha Somaliland shisheeye laga doono Xumo laga dhaxli doono “Waxaa Ayaan daro ah Somaliland oo Aduunyadu ku taqaanay Wada hadal, isku tanaasul, heshiisiin iyo arimahooda oo ay maamushaan oo cidi dibada uga iman oo aan Shir dibadda loogu qaban, in Maanta Nairobi looga yeedhay oo la leeyahay halkaas baa la idinku guubaabinayaa sidii aad doorashooyinkiina u qaban lahaydeen, haddii taasi inagu sii socotana dalkan meel fog baa looga yeedhi”
“Xisbiga Kulmiye Shirweyne ayuu dirqi iyo tu fool adag ku qabsaday, laba meelood baa la kala fadhiyay, laba Liis oo Golaha dhexe ah baa la qorayay, laba liis oo guddida fulinta ah baa la qorayay, dabadeedna waxay yidhaahdeen waanu heshiinay oo sheekadii way iska dhamaatay. Xeerka Kulmiye Qodobka 30-aad farqadiisa 2-aad waxay dhigaysaa Shiweynuhu markuu dhamaado Bil ka dib in Shirka Golaha dhexe la qabto.Xisbiga tahli waayay ee qabsan kari waayay Shirkiisii Golaha dhexe, ayaa Aayaha Somaliland ka talinayaa mid caqliga galaysa maaha.Waddanka waa lawada joogaa beena la isku maaweelin maayo.Dalkan waxaa ka taliya Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Madaxtooyada Fadhida laakiin Xisbi ka taliyaa ma jiro waana waayo aragnimo hor leh oo cusub” ayuu yidhi Mr Boobe.