Faallo: Maxamed Cumar Sheekh Weriyaha Waregeyska Saxafi Ee Gobolada Galbeedka Somaliland
Ku dhawaad wiig ayaa madaxweynaha Somaliland iyo wafdigii uu horkacayey dalka kaga maqnaayeen dhinacaas iyo dalka Uk oo ay kaga qaybgaleen kulan looga hadlayey maalgelinta Somaliland.
Dhinaca kalem waxa dalka daafihiisa safarro siyaasadeed ku marayey wafdiyo ay kala hogaaminayeen madaxda ugu sarreysa xisbiyada mucaaradka ee Ucid iyo Waddani Faylsa Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro, isla markaana dadweyne tiro badan oo ku kala nool degaanno ka kala tirsan Bariga iyo galbeedka dalka ka kasbaday soo dhaweyn iyo taageero siyaasadeed oo aan la ogeyn natiijadeeda .
Safaradan oo uu Boorama ka bilaabay Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu Boorama xisbigiisa uga furay Xafiis weyn oo qalabaysan, isla markaana waxa uu ka qaybgalay xaflad lagu soo dhaweynayay taageerayaal kusoo biiray xisbigaasi , khudbado siyaasadeed oo u maalintaasi u jeediyey taageerayaashiisana waxaa uu ku soo hadal qaaday arrimo door ah oo khuseeya sida xukuumadda Kulmiye u maamusho dalka iyo sida xisbigiisu u doonayo inuu ugu hiiliyo reer Awdal hadii ay codka siiyaan. Hadaladan uu xafladda Boorama ka jeediyey Faysal Cali Waraabe ayaa ka qaboobaa marka la barbardhigo kuwii u Caasimadda kaga dhaleecayn jiray xukuumadda.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa Sabtidii dib ugu laabtay caasimadda kaddib laba maalmood oo uu Boorama ku joogay safar ka duwan kii uu Guddoomiyaha xisbiga UCID ku yimi magaalada Boorama.
Saddex sano ku dhawaad Guddoomiye Cirro cag ma soo dhigin gobolka Awdal . sidaas oo ay tahay safarkani waxaa uu ahaa kii ugu xoogga badnaa uguna soo dhaweynta iyo taageerada badnaa ee uu abid kala kulmo dadweynaha Boorama, xafladihii lagu soo dhaweynayay taageerayaal ku soo biirayna khudbadihii laga soo jeedinayey ayaa dadka qaarkood ugu yeedhayeen ” Madaxweynaha dalka,’ balse isagu aanu sheeganin mansabkaasi.
Dhinaca kale, qaybaha dadweynaha ee saluugsan xukuumadda Siilaanyo sheegtayna inay u hiilinayaan Waddani ayaa labadaa maalmood u ahayd fursad ay fasaxa u heleen inay afkooda kaga ciil beelaan xukuumadda Kulmiye ,eedeymo xad dhaafayna halkaa uga soo jeediyeen.
In kastoo taageerayaasha ku soo biiray aanay lahayn miisaan culus oo dhinaca siyaasadda ah, uguna shishlaayeen Maayar ku xigeenkii hore ee Boorama Muumin Gadiid Cumar iyo guddoomiye ku xigeenkii ururkii hadhay ee Rays, Qoloombi kuwaasoo ka soo kala jeeda beelaha Madaxweyne ku xigeenka wakhtigan iyo madaxweynihii hore ee dalka, hase yeeshee dhallinyaradda ayaa buux dhaafisay madashii soo dhaweynta.
Khudbadihii halkaa Guddoomiye Cirro ka soo jeediyey ayaa ahayd tii ugu dheereyd uguna dhaliisha badnayd dhinaca xukuumadda, hab diblomaasiyadeedna waxaa uu ku soo hadalqaaday arrimo taabanayey dadweynaha gobolka Awdal, Ugu dambayntiina safarka Guddoomiye Cirro ee Boorama waxaa uu wax ka beddelay jawiga siyaasadeed ee qaybaha dadweynaha hase yeeshee a an ka madhnayn culays iyo loolan siyaasadeed oo xisbiga dhexdiisa kaga soo kordhay siyaasiyiinta ka soo jeedda gobolka Awdal iyo meelo kaleba, guddoomiyaha iyo xisbigana ku keeni kara dibu dhac hadii aan degdeg xal loogu helin, waxaanad mooddaa in WADDANI oo maraya halkii Kulmiye marayey 2009kii, maalin kastana cid ku soo biirta mooyee cidi ka baxaynini u xamili kari waayo miisaankaasi. sidaa darteedna dagaal la mid ah kii Kulmiye dhexdiisa dhawaanta u dhamaaday uu isaga u bilowdo, haddii ay shaqayn weydo diblomnaasiyadda guddoomiye Cirro ku kala hagayo Golaha wakiillada iyo xisbiga Waddaniba.