RIYAHA CAASIMADDU IYAGAA DADKA KA MUWAADINSAN

0
358

Waxbadan ayay dadka qaarkii ku andacoodaan inuu caasimadda hargeysa qashin buux dhaafiyay, iyadoo eedana dawldda hoose la saarayo.Sababta runta ah ee dawladda hoose ay qashinka agu maaro la’dahay iyadoo muuaqata ayaan hadana laga hadal. Dawladda hoose dhawrkii sannadoo ee u danbeeyay dadaal xoog leh ayay sartay qashin ururinta. Riyaha caasimaduna iyagoo mahdsan weligoodba waxay ahaayeen kow ka ahaayeen nadaafinta garaabada iyo hambdada cuntada oo ay  si hagar la’an ah magaalada uga xaaqaan. Haddaynu wax ka tilmaano sida dhaqan xumada leh ee shacbiga magaaladu ay qashinka ugu soo daadiyaan dariiqyada iyo biyo-mareenada, waxad odhan kartaa RIYAHA AYAA DADKA KA MUWWADINSAN.Dadweynahu caagadaha cabitaanka meel walba way ku tuuraan.

Meheheraduhu karaatiinta iyo buqashadaha badeecdda ay iibiyaan lagu furo waddadada hormarta ayay ku qubaan.Kolayada jaadu caleen ayay hortooda ku farrashaan.Boqolaal tan oo jaad ah garaabadooda waddooyinkaa lagu soo qubaaa.Xaafdaha iyo makhaayaduhu biyo uskag iyo hambada cuntada wata ayayku rusheeyaan. Roobku markuu da’yo dadweynaha reer hargeysa qarkood ayaa xashiishka daadka u sii dhiibaan, markaasay daad-mareenadu xidhmaan. Berritana dawladda hoose ayay dadku canaantaan. Boogtu waa dadwenaha dhaqan xumadooda. Haddaba shacbigu qashikooda joonyado ha ku guraan oo gaadhiyada dawaladda hoose u shaqeeya qashinka ha u dhiibaan. Ducoqabaw qashinka daadka ha dhiibin, dariiaqana ha ku daadin markaa bilicda caasimadda adaaba ku diirsan doona. Dadka qaarbaa jecel inay mar walba eedayaan dadka xilka haya.

Mas’uliyiinta dawladda hoose iyo riyuhuba waxay qabtaan shaqo badan oo mudan in looga mahad celiyo, laakiin shacbigeenu  waxay baahan mawaadinimada inay riyaheena kaga daydaan.

Qore: Xasan Ismaaciil Omaar