Warancadde Oo Fariin Hanjabaad Ah U Diray Dadweynaha Hargeysa Iyo Sababta Keentay Digniinta Wasiirka

0
294

waran-cade1

Hargeysa(Codka Hargeysa) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade ayaa soo saaray Hanjabaad hor leh oo ku waajahan Diiwaan galinta madaniga ah oo u muuqata mid aan illaa hada bulshadda reer Hargeysa ku baraarugin.

Warancade waxaa uu ku dooday in 1-da bisha November cidii aan haysan kaadhka diiwaan gelinta madaniga ah eek u nool Gobolka Maroodi Jeex taalabo sharci ah laga qaaddi doono.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde waxaa uu sheegay in bilowga bisha November ay ku amrii doonaan adeegyadda xawaaladaha, kantrooladda laga soo galo/baxo magalada, hudheelada, dawladaha hoose, goobaha liisamada laga qaato iyo goobaha bulshadu u bahato in aan laga aqbalin qof aan siddan kaadhka aqoonsiga. Waxana hadalka wasiirka ka mid ahaa oo uu yidhi. “Waxa aan u sheegayaa bulshada ku dhaqaan gobolka Maroodi-jeex cidii aan ka faa’iidaysan in ay  la kulmi doonaan ganaax aad u tiro badan isagoo waayi doona inuu helo kaadhkii xaqa uu u lahaa. Marka runtii dadweynaha is diiwaangelinaya waynu ka baxnay wakhtiyadii qofka laba jeer ay u suura geli jirtay, waayo aragnimadii aynu soo marnay iyo qalabka aanu haysano ilaahay mahadii, ma suura gali doonto inn laba jeer uu qaato, isla markaana waxa uu la kulmi doona inuu waajaho sharciga sidaa awgeed, waxaan uga digeyaa dadka wayeelka iyo dhalinyarta in aanay neeftooda halis gelin” Ayuu yidhi.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo uu sheegay “Dadka wata baabuurta ee habeenkii ciidamaddu joojiyaan waxa la waydiin doonaa kaadhka dhalashada, markaa qof wal oo reer Somaliland ah, waxa ku wajiib ah inuu qatto kaadhka. Waxa kale oo aan u sheegaya dadka ajaanibka ah ee wadanka jooga waxaa aanu u samayn doona hab sharci ah oo wixii dalka loo ogol yahay inay joogaan ay ku joogi karaan, oo iyaguna waa la weydiin doona marka ay la kulmaan ciidamada amniga.” Sidaas ayuu yidhi.

Mashruucan diiwaangelinta madaniga ah oo haatan socoday mudo 23 maalmood ah ayaan bulshadu  wali fahamsaneyn qadashada kadhadhka, taas oo ay keentay wacyi galin la’aan iyo kali toosi ka muuqday abaabulkiisa. Waxaana ay u muuqataa in illaa Hadda aanay is diiwaan galin dadkii la filayay. Iyaddoo aan moodo in aan shacabku dareeminba.

Codkahargeysa.com

codkahargeysa@gmail.com