Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo taageero u muujiyey Maayar SOLTELCO, xildhinaannada ku kacsanna talooyin u jeediyey

0
332

Hargeysa (CH)- Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa si adag uga hadlay khilaaf hore leh oo ka dhex-curtay Golaha Deegaanka ee magaalada Hargeysa, kaas oo laba garab oo dhinac maayarka Caasimadda iyo ku-xigeenkiisa taageersan yahay, halka garabka kale ay ka soo horjeedaan qaabka uu maayarku u wado geeddi-socodka hawl-maalmeedka Golaha.

Suldaan Maxamed Cabdiqaadir waxa uu mudaneyaasha Golaha deegaanka ugu baaqay inaanu khilaafkoodu soo dhaafin Golahooda Deegaanka, isla markaana aanay danahooda gaar ahaaneed kaga mashquulin masuuliyadda wax-qabad ee Shacabku u doortay.

HALKAN KA DAAWO