Qaybo ka mid ah Studio-ga Radio Hargeysa oo Dab Qabsaday iyo Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka hadashay

0
305

Hargeysa (CH)- Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Md Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, ayaa ka hadlay dab ka dhashay saaka qaybo ka mid ah Studio-ha Idaacadda Radio Hargeysa, dabkaas oo ka kacay Roog goglan mid ka mid ah studio-yaasha Idaacadda Radio Hargeysa

Wasiir-Ku-xigeenka-WarfaafintaWasiir ku xigeenka ahna ku simaha wasiirka oo saxaafadda la hadlay wax yar ka bacdi markii dabkaasi la bakhtiiyey ayaa waxa uu sheegay in agabkii yaallay Studio-yahaasi  la badbaadiyey isla markaana aanay jirin wax khasaare ah oo la xusi karo aanu jirin, isagoo arintaa ka hadlayan waxa uu yidhi, “Waxaa maanta dhacay dab yar oo ka kacay Studio-ha radio Hargaysa saacaddu markii ay ahayd 9:30 Subaxnimo ilaahay mahaddii waa lagu guulaystay in la bakhtiiyo, waxaanu filaynaa inuu ahaa Shoodh ka kacay, wax khasaare ahna kama dhicin, haday tahay qalabkii, cajaladihii iyo wax kasta oo yaallay Studio-ha way ka badbaadeen, dabkaasina waxa uu ahaa mid qiiq sameeyey oo aan olol gaadhin haba yaraatee wax khasaare ahna gaysanin, hawshii Wasaaraduna si habsami leh ayay u socotaa wax saamayn ahna dabku kuma yeelan.”

Md Cabdi Waaxid Cabdiqaadir waxa uu u mahad naqay dhamaan cid kasta ooka qayb qaadatay damintii dabkaasi. “Waxaan u mahadcelinayaa shaqaalaha iyo Engineer-ada Wasaaradda warfaafinta, Ciidamada Booliska, dawlada hoose ee caasimada, maamulka Gobolka,” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland.

codkahargeysa.com

info@codkahargeysa.com