Gabiley dhiig ayaa daadatay, Madaxtooyadana dhaanto ayaa laga Ciyaaray (Xaraam)
Anigoo ah Guddomiyaha Garabka Haweenka ee UCID Finland marwo Saamiya Cumar Xaaji Muuse waxaan tacsi tiiranyo leh u diraya dhammaan ehaladi iyo qaraabadii ay ka baxeen labadii marxuum (sarkaal) ee gacanta ka xaqa darani ay ku dishay Qorilugod. Waa arrin aad u xun oo dhaawac ku reebtay qof kasta oo damiir leh oo reer Somaliland ah.
Waxaan layaabay maanta haddii ay dawladdu rabto muddo-kordhin si tartiib leh ayey u soo bandhigi kartay qorshaheeda oo ceeb maaha, laakin inay kolba filim Hindi yar oo rabshad wata ay hoos ka soo abaabusho maaha. Meesha ciyaal yar yar o been loo sheegi karo ma joogan.
Qorshihii diiwangalintii markii la idin ku fahmay inuu yahay waqti lumis ayaa haddana raadiseen xiisad kale oo aad waqtiga ku dishaan, laakiin ayaan-darro weeyaan in maanta Gabiley laga dhigo dhiigii caruurteedi waqti lumis, manaha wax caqli gali kara. Ninka labada sarkaal dilay ma ‘Super Man’ ayuu ahaa oo wuu duulay?!
Mudane Madaxwayne shalay gabadhaada arooskeedii waan ku wada faraxnay oo hambalyo ayaan meel kasta uga soo dirnay, laakin madaxwayne adigu waxaad nagala bakhayshay tacsi tiiranyo leh iyo samir iyo iimaan. الكلمه الطيبه صدقه. Mudane madaxwayne adiga ayaa xaalada Gabiley dajin kari laaha, laakiin wasiirro inaad u dirto may ahayn, waayo meesh Ciraaq maaha ee waa Gabiley!
Mudane, Madaxwayne haddii ay waxaas oo dhan aad leedahay qadar Allah ayey ku dhaceen, waayahay aaski qaran ee ciidammada qaranka adduunka dhan ay ka wada sinaayeen maxaa ku dhacay? Madaxweyne meesha is indha-tir xun ayaa ka socda, Allaah waaxid ah ayaa og meeshay naf waliba ay ku dambeeyn doonto, Nabigeeni Muxamed (CSW) wuxuu yidhi ‘waa inaad jidka (laamiga) aad xaqiisa siisaan, bal ka warran xaqa nafta bani’aadimka ahna?
Waxaan rabaa halkan inaan jawaab yar ka siiyo Boqor Cismaan Buur-madow markaad leedahay kalsoonidii waan kala noqonay UCID iyo Jamaal Cali Xuseen waxaan u maleenayaa inaad rabtay inaad tidhaahdo kalsoonidii waxaan kala noqonay KULMIYE iyo madaxwaynaha, horaa loo ‘hadal hilmaam ma galo,’ laakiin waa caadi (it’s Ok).
Waxaan garanwaayay ilaa hadda markuu Jamaal Cali Xuseen runta ka hadlo maxay dawladda dhami heegan u wadagashaa?
Godomiyhah Garabka Haweenka ee UCID Finland Marwo Saamiya Cumar Xaaji Muuse