Hargaysa (CH)-Weriye Axmed-Zaki Daahir Xasan oo ka hawl-gala Telefishanka Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa, ayaa beeniyay War lagaga been abuuray magaciisa oo lagu baahiyey warbaahinta dalka, gaar ahaan website-yada, iyada oo la isticmaalayo Ciwaan uu ku leeyahay barta bulshadu ku kulanto ee Facebook.
Axmed-Zaki Daahir Xasan Waxa uu Sheegay in Ciwaanka lagu baahiyay qoraalkaasi aanu ahayn Mid uu leeyahay isagoo xusay in la isticimaalay Sawiro badan oo Ciwaankiisa Face book ugu Jira kuwaas oo loo turjumay in uu isagu leeyahay Bogaas.
Weriye Axmed-Zaki Daahir Xasan oo arrintaas ka hadlaya ayaa Waxa uu Yidhi “Waxaan maanta qalinka u qaatay in aan beeniyo warrar lagu baahiyey facebook kaasi oo ku saabsan qof ku qortay facebooga magaca Tvga Qaranka Somaliland muddo ku siman ilaa sanadkii 2013kii ilaa bishii October-na isticmaali jiray sawirro aan leeyahay “.
Weriyahan oo ka hadlaya Waxay Jawaabtiisu daaran tahay ayaa Waxa uu Yidhi “Waxaa maalmihii la soo dhaafay boggaasi la soo dhigay warar aan sal iyo raadtoona lahayn meel ay ka yimaadeena aanan garanayn,isla markaana aan u fasirtay inaan anigu leeyahay Ciwaanka magaca Tvga Qaranka Somaliland ,Sidaa Daraadeed waxaan halkan ka cadaynayaa in aanan lahayn haba yaraatee Ciwaankaas,Waxaan u fahmayaa qofka adeegsaday arrintan inuu uga dan leeyahay isku dir iyo xumaan inuu na kala dhex dhigo Aniga iyo Madaxda Sare ee Wasaaradda Warfaafinta”.
Weriye Axmed-Zaki Daahir Xasan waxa uu Gaba Gabadii Sheegay inuu ku soo Galo Shabakada Xidhiidhka dadweynaha ee Face Book laba Ciwaan kuwaasi oo ay iigu qoran yihiin Magaciisu kalana ah Ahmed-zaki Daahir Xasan@facebook.com iyo A/zaki Dahir Hassan Official Page,Wax labadaas dhaafsiisana aanu adeegsan.