Boorama (Codka Hargeysa) – Nin ka mid aha Waddayaasha gaadiidka dab-demiska Boorama ayaa ka hadlay duruufaha dhaqaale ee haysta walaacna ka muujiyay mustaqbalka gaadiidkaasi qiimaha badan ugu fadhiya dadweynaha.
Maxamed Sheekh Cali kana mid ah labada darawal ee laba gaadhi oo dabdemis ah oo ay leedahay Boorama ayaa sidoo kale dadweynaha magaalada iyo dawladdaba u soo jeediyey inay gaadiidkaasi ay daba qabateeyaan, lana daryeelo noloshooda, maadaama aanay jirin cid gaadiidkaasi iyo iyaga toona u soo jeedda, una hurta dhaqaale ku filan oo lagu hawl-geliyo.
Maxamed Sheekh Cali oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi. “Waad og-tihiin in reer Boorama gaadiid dabdemis ah ay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen, markii magaaladu ka bixi weyday dab ka kaca oo khasaare geysta. Dadkii isku hawlay keenista gaadiidkaasi iyo kuwii magaalada soo gaadhsiiyeyba tacab qasaar baa ku soo dhaw, maadaama gaadiidkaasi uu sidii loo keenayba ku xeraysanyahay saldhigga Booliska Boorama. Looma qorin shidaal lagu kiciyo, annaga oo hadh iyo habeen daba taaganna cidi dhaqaale naguma siiso si aan ubadkayaga iyo naftayadaba baahidooda ugu daboollo.
way jiraan dad ka damqaday dhibta annaga iyo gaadiidkaasi na haysta, intii itaalkooda ahna way soo wadeen, hase ahaatee qof muwaadin ah oo keli ahi gaadiidkaasi kama war hayn karo, annaguna muddo ayaan u seegnay shaqooyin aan ka xoogsan lahayn. sidaa darteedna waxan cid kasta oo gaadiidkaasi lexejeclo ka leh u soo jeedinaynaa inay wax nagala qabtaan siday u sii shaqayn lahaayeen. Maanta haddii dab kaco gaadiidkaasi ma hawlgeli karaan, wax baana ka sii dhacaya maalin kasta oo ay shaqayn waayaan sidaa darteedna cid kastoo danaynaysaa wax ha nagala qabato mustaqbalka gaadiidkaasi iyo naftayadaba “:
Gaadiidkan dabdemiska ah oo muddo laba sano ka badan ku xersyan saldhigga Booliska Boorama ayaa haatan ku dhaw inay halkaa ku duugoobaan hadii aan degdeg loo hawlgelin .