Is Maandhaaf Ka Taagan Xuska Shuhadada SNM Iyo Amarro Xukuumadda & Jimciyadda Sooyaal Ugu Digeen Fanaanada Sahra Halgan

0
324

“Waxaan kula socod siinaynaa in madaxda Sooyaal ay xafladan ku qabanayaan Maansoor Hotel, sidaa darteed waxaan kula socodsiinaynaa in aan hoteelkaaga lagu qaban Karin”….Wasiir ku xigeenka Amniga

“Halkuu joogay ninka leh ma qaban kartid xafladda shuhadada haddii aan fursad u helay oo aan idhi waan qabanayaa…? Magacan Halgan bilaash kulama bixin.” Sahra Halgan

SNM

Hargeysa, Somaliland, Octobar 16, 2014 (Codka Hargeysa) – Fanaanadda Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan), ayaa si adag uga hadashay waraaq lagaga joojinayey qabashadda xuska shuhadadda SNM oo ay munaasibad u samaynaysay maalintaasi.

Sahra Halgan ayaa sheegtay inay ka xuntahay in munaasibad ay kaligeed qabanayso oo ay ku xusayso Halgankii SNM in la isku dayo in laga joojiyo, waxana ay ku dooday inay fool xumo tahay, isla markaana aanay cidnaba ka yeelayn qabashadda xafladaasi, iyadoo ugu baaqday in aan la siyaasadeyn munaasibadaasi.

Sahra Halgan oo arrintaasi ka hadlaysa waxay tidhi “Waxaan nasiib u helay 30 Sano ka dib inaan Meel aan leeyahay ku xuso Shuhaadadii SNM Ee Dalkan Somaliland Naftooda u huray,imika waxa la isoo gaadhsiiyey warqad Laygu ogaysiinayo inaanan Ku qaban Karin Xaruntayda Hido Dhawr. Xaflada ka turjumaysa inaan xuso Shuhadadii SNM,Magacan Sahra Halgan waxaan Kala soo baxay Qori afkii Dhayalna Layguma Bixin, Markaas waajibka I saarani waxa weeyaan Aniguna inaan xuso Ragii Naftooda usoo Huray Somaliland.”

Waxanay intaas ku dartay “ Waxaan ka xumahay in anigoo si shakhsi ah u xusaya shuhadadii SNM in waraaq la ii keeno oo la yidhaa ma xusi kartid, wali ma furin ee idinka oo I arkaya aan furo oo aan idin akhriyo, waxaana ku qoran, waraaqdani waxay kaaga timid wasaaradda arrimaha gudaha, qaybta Amniga, xafiiska wasiir ku xigeenka Amniga, ujeeddo:qabashadda shuhadadda SNM.

lol

Sidaad ogtahayba waxaan kuu sheegaya in xaflada shuhadadda ururka SNM ay maamulkeedda iyo qabanqaabadeedda ay xaq u leeyihiin madaxda xafiiska GMC SOOYAAL, hadaba waxaan kula socod siinaynaa in madaxda Sooyaal ay xafladan ku qabanayaan Maansoor Hotel, sidaa darteed waxaan kula socodsiinaynaa in aan hoteelkaaga lagu qaban Karin, waxa ku saxeexan Cali Maxamed Cali wasiir ku xigeenka amniga wasaarada Arimaha gudaha.

Qofka uu u sheegaya waa ayo. aniga Sahra Halkan ayaa la yidhaa, ragan aad sheegayso ee aad leedahay xafladoodda ayaa la qabanayaa anigaa qaarkood dhawac tiray, anigaa qaarkood maydkooda aasay, qaar kalana markii lugta miishaarta lagaga jarayey anigaa madaxa hayey, halkuu joogay ninka leh ma qaban kartid xafladda shuhadada haddii aan fursad u helay oo aan idhi waan qabanayaa, anigu cidna albaabka uma diidin qof kasta oo muwaadin ahi wuu iman karaa, kaas Sooyaal baanan u diideyn mid kale oo mujaahid ah ayaan loo diideyn, waxaan u sheegayaa ragan wasiiradda isku sheegay in aanay naga siyaasadeyn munaasibadan xusuusta mudan, waxaanan umada Somaliland usheegaya inuu u furan yahay baritoole (maanta) sagaalka subaxnimo cid kasta oo doonaysa in la qabto munaasibada shuhadadda SNM, haddii Maansoor lagu qabanaya, waan soo dhoweynayaa oo barigii hore hay’ada shqaalaha lagu qaban jiray haddii Sahra Halgan darteed loogu qabaty Maansoor waa wax inoo soo kordhay waanan ka soo qaybgalayaa taasna, tana waan qabanayaa, Sooyaalna waxaan leeyahay yaan la inaga siyaasadeynin, waana idiin caqli calinayaa haddii aad mujaahidin dhaba tihiin, laakiin haddii ay dhul jiif iyo dagaal sokeeya ku dhaawacmay wax ha isku khaldina ayaan idin idhi. mujaahidiinta magaca u ilaaliya, haddii aad mujaahid sax ah tahay imaad soo dacwayseen oo yaanay Sahra Halgan qabanin maad tidhaahdeen ee waxaad i odhan lahayd maxaanu kula qabanaa, maadaama oo aan anigu waxaasi oo dhan isku qabo”

Dhinaca kale, Sooyaal ayaa sheegtay in cid aan iyaga ahayni qabin Karin munaasibaddaha SNM, isla markaana iyaga uun loo daba fadhiisan karo, waxaanay dawladda ku wargaliyeen in cid Sooyaal ahayn wax munaasibad ah qaban Karin.

444

Sidoo kale, waxay iclaamiyeen in maalinta Sabtadda ah la qaban doono maalinta shuhadada SNM ee lagu mideeyey dagaaladdii SNM gashay.

“Waxaanu Iclaaminaynaa 17-ka October oo ku beegan Maalinta Jimcaha, kuna beegan Xuska Shuhadada SNM ee Jimciyadda Sooyaal sanad walba qabato,markaa 17-ka October oo ku beegan Maalin Jimce ah waxay u riixmaysaa maalinta Sababtida, iyadoo Sagaalka Subaxnimo ee Sabtida uu Xusku ka dhici doono Hotel Maansoor” ayuu yidhi Gudoomiyaha Sooyaal Oo Hargeysa kula hadlay Warbaahinta.

Gudoomiyaha SOOYAAL waxa uu sheegtay in dhamaan Mujaahidiinta SNM ay si sharci ah u metesho Jimciyaddu“Sooyaal waxay u xilsaaran tahay wixii ka soo jeeda Magacii la odhan jiray SNM, iyadaa loo sharciyeeyey, iyadaa u xilsaaran iyadaana ka shaqaysa. 1991-kii ayaa Sooyaal la sameeyay,iyadaana si sharci ah u metesha Mujaahidiinta SNM, iyadaana ka shaqaysa wixii taariikh ah wixii Xus ah, wixii naafo ah iyo wixii fayawba.”

Gudoomiyaha Sooyaal waxa uu ka digay in cid kale isku daydo inay qabato Xuska Mujaahidiinta SNM, isagoo sheegay inay jiraan dad Is-urursada oo meelahaas Magaca Mujaahidiinta kaga dawarsada, waxaanu yidhi“Dhamaan SNM Waxa uga masuula qaranka Sooyaal. U dul qaadan kari mayno Qof inta uu soo cararo Yidhaaha SNM Ayaan ahay,Xuska SNM Anaga uunbaa qaban karna,Waxaanan Xukuumada ku war galin lahaa hay’adda kasta oo Sooyaal ka baxsan oo sheeganaya Magacyo Kale Kama Mid ah Sooyaal.”

Si kasta ha ahaatee Xuska loo qabanayo Ururkii Xaqu Dirirka ahaa ee SNM ayaa waxa lagu maamusayaa Mujaahidiintii dalka somaliland Laftooda usoo huray Sidii ay Uga sifan lahayeen Kaligii Talisnimo,kuwaas oo 30 Guuradii kasoo Wareegta lagu Xusu Doono Magaalada hargaysa Maalinta Sabtida Sagaal Subaxnimo, inkastana noqonayo sanadkii ugu horeeyey ee muran ka dhasha.