Baki, Somaliland, October 16, 2014, (Codka Hargeysa) – Sawiro Wacyigalin ahaan ay u adeegsatay hay’adda UNICEF ayaa cabasho laga muujiyay.
Warbixin arrintan la xidhiidha oo uu diyaariyay Wariye Cali Aare oo Boorama ku sugan ayaa waxaa uu u dhigay sadan: “Shugri Geelle Cadar oo ka mid ah dadwaynaha ku nool degmada Boon ee gobolka Salal ayaa shalay qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ee ka hawlgasha gobolka Awdal soo gaadhsiisay Buug ay daabacday hay’ada Unicef, buugaasi oo ka turjumaya, wacyi galinta la xidhiidha xanuunka HIV/AIDS-ka. buugani oo magaciisu yahay Youth And HIV AIDS “Dhalinyarada Iyo HIV/AIDS-ka.
Shugri oo ay ka muuqato waji murugo lehi ayaa waxa ay u sheegtay warbaahinta in muuqaalada ka muuqda oogada buuga ama jaldiga ay ku aragtay mar qudha sawirkeeda iyo 5 kale oo gabdhood iyo wiil yar oo caruur ah oo ay sheegtay intuba inay yihiin eheladeeda, isla markaana ay ka bad qabaan xanuunka HIV AIDS-ka.
Haweenka muuqaaladan ka muuqda ayaa ay tibaaxday inay iskugu jiraan marwooyin dhigeeda ah iyo gabdho calaf sugayaal ah, kuwaas oo ay u aragto in sharaftooda iyo karaamadooda ay meel kaga dhacday hay’ada Unicef, maadaama ay u isticmaashay wacyi-galin loo qaadan karo inay iyagu xanuunka qabaan. sidaas darteedna ay ka codsanayaan hay’adaha garsoorka ee Somaliland inay sharciga hor keenaan hay’adaas.”
Sawiraddan ayaa laga qaaday sidda ay sheegeen sanadkii 2003. Waqtigaas oo Hay’adda UNICEF ay wafti ka socda lagu soo dhawaynayay degmada Boon. kuwaasoo xadhiga ka jarayay biyo baahin ay u samaysay hay’adaasi degmada Boon. Gabadhan ayaa ku dooday inay dacwad ku oogayaan hay’adan ayna uga fadhiyaan jawaab arrintan la xidhiidha.