Muwaadin reer Somaliland Ah Oo Shaaciyey Hankiisa Siyaasadeed Ee Golaha Sharci-dejinta

0
349

Musharrax Caddaani Muxumed Waa Maxay Himiladiisa Wax-qabada iyo Astaantiisa Musharraxnimo?

Hargeysa, Somaliland October 16, 2014 (Codka Hargeysa) – Caddaani Muxumed Xaaji Axmed Cilmi oo kamid ah Muwaadiniinta reer Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inuu isu taagayo doorashada Aqalka golaha wakiillada Somaliland ee la quuda-raynayo inay kal dambe dalka qabsoonto, isaga oo iska sharraxi doona Gobolka Maroodi Jeex.

Musharrax Caddaani oo ka mid ah aqoon-yahannada caafimaad ee u dhashay Somaliland ayaa Mar uu shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa oo uu degan yahay waxa uu sheegay in markuu la tashaday qaybaha bulshada gaar ahaanna dhalinyarada, aqoon yahanka, wax-garadka iyo Madaxda dhaqanka ee dalka uu go’aansaday inuu noqdo Musharrax u tartama doorashada golaha wakiillada ee sanadka 2014-ka la filayo inay qabsoonto, isaga oo tilmaamay inuu dhawaan sheegi doono Xisbiga uu iska sharraxayo.

Musharrax Caddaani
Musharrax Caddaani

Aqoon-yahan Caddaani Muxumed X. Axmed Cilmi waxa uu ka mid yahay dhalin-yarada reer Hargeysa ee muddooyinkii u dembeeyey ku dhex jiray saaxadda Caafimaadka, isla markaana waayo aragnimo buuxda u leeyahay geedi socoadka nololeed iyo baahiyaha dhaqan-dhaqaale ee Bulshada uu ku dhex nool yahay, taasina ay ka saacidayso xog-ogaalnimada kaabayaasha aasaasiga u ah nolosha caafimaad ee danyarta Somaliland, sidaasi darteedna Golaha Wakiillada oo sal u ah dejinta shuruucda caafimaad ee dalka, isagana ay ka go’an tahay haddii uu soo baxo oo uu guulaysto in aanu waxba ka hagran doonin dadka doorta ee uu wax u qaban doono.

Geesta kale Mr. Caddaani oo ah Nin dhalinyar ah waxa uu hoosta ka xariiqay in da’yarta Somaliland oo ah cududa laf-dhabarta u ah bulshada ee Berri majaraha u qaban doono Madaxtinimada uu tusaale u noqon doono.

Mr. Caddaani Inkastoo uu sheegay in uu dib ka soo sheegi doono Xisbiga uu ka dhex tartami doono, haddana waxa uu shaaciyey astaantiisa Musharraxnimo oo uu ugu wan-qalay Bah-weynta Bureeqa, [Sawirkiisu waa Bureeqa].