Fanaanadda Sahra Halgan oo Ku gacan-saydhay Amar Wasaaradda Daakhiligu kaga joojisay xuska 30-guurada Shuhadada SNM

0
299

Hargeysa (CH)- Fannaanadda Caanka ah ee Sahra Halgan, ayaa ku gacan-saydhay inay u hoggaansato go’aan wasaaradda Arrimaha Gudaha kaga joojisay munaasibad ay iskeed isu-xilqaantay oo ay ugu talo-gashay xuska 30-guurada maalinta shuhadada SNM oo ay ku qabanayso Hotelka Hiddo-dhowr oo ay fannaanaddu leedahay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa Fannaanadda Caanka ah ee Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan) ka hor-joogsatay munaasibad ay u qaban-qaabisaya xuska 30-guurada maalinta Shuhadada SNM 17-ka October oo ku beegan maalinta Berri ah, taas oo ay doonayso inay ku qabato Hotelkeeda Hiddo-dhowr oo ay dhowaan ka furtay magaalada Hargeysa.

SNMSida ay Sahra Halgan ku soo bandhigtay shir-jaraa’id ay war-fidiyeennada xalay ugu qabatay Hotelka Hiddo-dhowr, war-qad uu ku saxeexan yahay Wasiirka ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Cilmi oo lagu socodsiiyey Xarunta Hiddo-dhowr, ayaa lagu war-geliyey inaanay xaq u lahayn qaban-qaabadda xafladda xuska maalinta shudahada isla markaana aanay hoteelkeeda ku qaban karin, balse ay Jimciyadda Mujaahidiinta ee SOOYAAL oo kali ahi xaq u leedahay qaban-qaabada xuska oo lag qorsheeyey in lagu qabto Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, sida lagu sheegay lagu horjoogsaday qaban-qaabada xaflad ay iskeed isku xil-qaantay Fanaanadda Sahra Halgan.

Waraaqda xambaarsanayd amarka ee lagu socodsiiyey Hiddo-dhowr isla markaana ogeysiin la siiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha  oo fanaanaddu u soo bandhigtay saxaafadda, ayaa u qornayd sidan:

lol

HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA SAHRA HALGAN

CODKAHARGEYSA.COM