Bulshadeenu Waxa Ay Leedahay Bir-ma-geydo, Ciddii Hablaha Caydaa Waa Ay Ceebaysan Yihiin

0
365

W/Q: Cumar Yusuf Ibrahim (Dharab)

Sida laga war-qabo, Marka wax kasta oo dunida ka dhaca laga hadlayo, waxa jira meeqaam iyo majare daruuri u ah in qofku u hogaansamo, waxa jira waxyaabo damiirka nooli kuu diidayo in aad ku dabbaqdo hawraartaada sidaasi oo ay tahayna ay lama taabtaan noqonayso inaad naqdido ama naax-naaxiso.

Arartaas Waxaan uga socdaa dhaqan ahaan iyo dabeecad ahaan waxa aynu caado soo jireen ah u leenahay waxyaabaha qaarkood oo Bir-ma-gaydo ah in wax laga sheego, kuwaas oo ay ka mid yihiin maatida iyo Haweenka oo bulshada dhexdeeda qiimo iyo qaayo ku leh. Waxa aynu ka war-qabnaa in dhaqankeenu hoosta ka xariiqay wax ka sheega haweenkeena, xataa haddii ay talada qoyska iyo ummaddaba inagala wax ku darsadaan.

Haddaba maanta oo Illaahay Mahaddii aynu nahay qaran Madax banaan oo dawladnimadeena ku dabaqay dimuqraadiyadda iyo talo wadaaga, ila markaana Haweenkeena ka qayb galinay talada iyo Hay’adaha wax qabad ee arrimaha Bulshada Aasaaska u ah, waxa in dhawaaleba aan warbaahinta qaarkeed ku arkayay waxyaabo lid ku ah sumcaddii iyo milgihii ay bulsho ahaan inaga mudnaayeen haweenkeenu, kuwaas oo aragti ahaan damiirkaygu I siiin waayay inaan ka aamuso.

Akhristo, ma og tahay in qofka bani aadamka ah ee alla SW abuuray uu ku mannaystay Xeer dabiici ah oo qofka u diidaya in uu ilduufo ama iska indho tiro, waxa uu shakhsi ahaan isaguba ogolayn in lagu sameeyo. Kawaran haddii aan caqligaaga caayo oo waxyaabaha cawradeena ah wax ka sheego, miyaad igu taageeraysaa mise waad iga qaban lahayd?. Waxaan filayaa in jawaabta saliimka ahi tahay inaad iga hor joogsato.

Muwaadin qoraalkaygani kama turjumayo difaac iyo weerar celin ka dhan ah cidda wax laga sheegay, waa suurto gal in qofku [lab iyo dhedig] wax qaldi karo, hase yeeshee, adiga oo wixii tabasho ah si quman ugu sheegi kara cidda aad ka cabanayso, ilama qurux badna inaad canaantaada qaab cay ah u dhigto oo aad weliba warbaahinta u dhex mariso cidda aad ka cabanayso.

Aan daliishado hadal dhaxal gal ah oo aan ka soo dheegtay odageena ruug-caddaaga ah ee Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf [Cabdi-waraabe], oo laga hayo hal-hays hogo-tusaale u noqonaya hawraartaydan. Xaaji Cabdi Ayaa Muddo haatan laga joogo Toban Sanno [qalin-jebintii u horeysay ee Jaamacadda Hargeysa ee 2004-tii], waxa isaga oo ka jawaabaya hadal xilligaas lagu duray mid kamid ah haweenka reer Somaliland, waxa uu Munaasibaddii qalinjebinta oo uu khudbad ka jeediyey ugu caqli celiyey ciddii deel-qaafkaasi kasoo yeedhay, waxa uu yidhi “Haweenkeenu aniga waa ii wada hablo oo Awow baan u ahaye, Somali-liin, waxa ay ku caano maashay Sharaf ay weligeedba u haysay bulshadeena, Hablaheena in la ceebeeyaa waa Mamnuuc, Ninkii Hablaha Caayaa Isagaa Ceebaysan, Sharafkuna Wuu ku guuray”.

Haddaba akhrtiste Hadalkaasi Miyaanu gar ahayn, Maxaase igu kallifay inaan soo qaato?. Waxaan uga socdaa:

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Samsam Cabdi Aadan, waxa ay kamid tahay tiraba afar haween ah oo xilal ka haya xukuumadda. Siyaasad ahaanna wasaaradda ay masuulka ka tahay waa mid ka caagan in la siyaasadeeyo, lana dhaleeceeyo waxqabadkeeda iyo hawlaha ay bulshada u hayo. Wasaaraddu waa wasaaraddii Barbaarinta ubadka, waa wasaaraddii kobcinta garaadka tacliimeed ee dhalinyarada berry inoo noqonaya madax-deenii, sidaasi oo ay tahay waxa biyo kama dhibcaan ah oo aan been ahayn in si gurracan loo adeegsado canaanta iyo la talinta wasiirrada waxbarashada, xataa haddii ay jirto waxyaabo gar loogu leeyahay in ay wax ka qabato, hase ahaatee waxaa aniga iyo inta ila fikirka ahi ila qabaan in aan la caayin qof u adeegaysa bir-magaydada bulshada, cidda sidaasi samaynaysa ee sida dhuumashada ah wax u caayaysaana waa cid aan habeen jirin oo far ku gabbanaysa.

Sidaasi darteed, waxaan kula talinayaa dadka siyaasadaynaya waxbarashada dalka in ay hoos isu eegaan meeqaamka ah bulshada kaga jiraan, is barbar dhigna ku sameeyaan cidda ay wax ka sheegayaan iyo cidda soo adeegsanaysa, nasteex iyo nacab ka bulshada u ah?

Wa Billaahi Towfiiq,

Allaa Mahad Leh

Cumar Ibaahim Yuusuf (Dharab)

Hargeysa, Somaliland

+252 2 63 4102319