Xildhibaan ka Digay Khatarta Jaadka ka qayb-qaadan karo Haddii Cudurka EBOLA soo Gaadho Dalka Itoobiya

0
317

Hargeysa (CH)- Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka digay khatarta qaadka ee la xidhiidha cudurka Ebola haddii uu soo gaadho dalka Itoobiya.

Md. Maxamed waxa uu sheegay in cudurka Ebola ee halis wayn ku haya adduunka uu dalka Itoobiya si fudud uga soo gaadhi karo dalalka galbeedka Afrika oo uu ka dillaacay, maadaama diyaaradda Ethiopain Airline oo uu xusay inay 3 ilaa 4 afar duullimaad ku samayso bariga iyo galbeedka Afrika toddobaad kasta, isla markaana haddii cudurku soo gaadho uu halis wayn noqonayo qaadka oo ka yimaad dalkaasi.

MAXAMED CABDIRAXMANXildhibaanka oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu iftiimiyey khataro ku duugan Qaadka loo soo dhoofiyo Somaliland haddii Cudurka Ebola soo gaadho Ethiopia, waxaanu “Markaan isbarbardhigo halista cudurkan ee innooga iman karta waddamada kale ku yaal bariga Afrika iyo Itoobiya. Waxaan odhan karaa 100% waxa khatar badan dhinaca Itoobiya, taas oo ay mooggan tahay bulshada reer Somaliland, waayo Itoobiya waxaynu leenahay xidhiidh ganacsi oo aad u qoto dheer, saamayntiisuna aad u ballaadhan tahay.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Sida dhakhaatiirtu caddaysay waxa cudurka Ebola la isugu gudbin karaa dheecaannada oo is-gaadha ama qoyaan sida dhididka, dhiigga iyo qoyaan oo dhan oo iska gaadha qof qaba iyo ka kale ee aan qabin. Sidaa darteed, waxaan bulshada Somaliland iyo guud ahaanba Soomaalida oo dhan cod dheer ugaga digayaa in laga fogaado geedka qaadka oo ah dariiqa ugu fudud ee uu soo raacayo fayraska cudurkan.”

“Haddii la hakiyo socodka madaarrada, dekedda iyo dhammaan socdaallada kale amaba dadka ku socdaalayo la baadho, waxa caqabad noqonaya qaadka oo ah shayga qudha ee aan caafimaad ahaana loo baadhi karin, lana joojin karin.

Anigoon dacaayad ula jeedin waxay ila noqotay in aan bulshadayda u iftiimiyo khatarta aan la dhaadin ee uu keeni karo qaadku, loona baahan yahay in qof kastaaba ka fogaado masiibooyinkaasi, bulshadana laga siiyo wacyigelin ballaadhan meel kasta oo la is odhan karo way uga iman kartaa ama wuu uga soo gudbi karaa cudurkaas.”

CODKAHARGEYSA.COM