Maayarka Caasimadda oo Guddiyada Iskaashatooyinka Gaadiidleyda kala hadlay Qorshe lagu dhimayo Saxmadda magaalada

0
331

HARGEYSA (CH)- Maayarka Caasimadda Hargeysa, Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa maanta kulan la yeesho iskaashatooyinka gaadiidleyda ka dhex-xoogsata gudaha magaaladda Hargeysa iyo kuwa u kala goosha caasimadda iyo degmooyinka iyo gobollada kale ee dalka..

Kulanka Maayarka la qaatay Iskaashatooyinka gaadiidleyda oo ujeeddadiisu qayb ka tahay qorshe dawladda Hoose kor u qaadayso bilicda caasimadda iyo sidii saxmadda iyo culayska looga yarayn lahaa magaalada, ayaa laga soo saaray go’aamo wax lagaga beddelayo qaabka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka qaada uga dhex shaqeeyaan gudaha magaalada. 

OLYMPUS DIGITAL CAMERAShirka oo ay goob-joog ka ahaayeen dhammaan guddiga iskaashatooyinka gaadiidka dadweynaha gaar ahaan basaska iyo kuwa xamuulka qaada, waxa uu maayarku guddi u saaray goobaha iyo qaabka istaamo u gaar ah loogu samayn lahaa Gaadiidka Basaaska ee magaaladda isaga dhex goosha iyo kuwa magaalada uga baxa degmooyinka io goboollada dalka oo la qorsheeyey in laga dhex-saaro faras-magaalaha Caasimadda.

Maayar SOLTELCO oo ugu horeyn kulanka ka hadlay, waxa uu sheegay in gaadiidka Bakhaaradda Raashinka ka qaadanaya ama ku rogaya ay suuqa soo gali karaan  wakhti cayiman, gaar ahaan xilliyada saxmadda magaaladu yar tahay.

“Maanta waxaan idinku yeedhnay sidii saxmadda magaaladda uga yareyn lahayn waad aragteen sida magaaladu saxmadda u tahay,waxaanu qorsheynay in gaadiidka wixii magaaladda ka baxa kooneyaasha magaaladda loo kala saaro,”ayuu yidhi Maayarka Caasimadda oo la hadlayey guddiga gaadiidleyda ee uu la kulmay shalay.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAMar uu Maayarku tilmaamayey siday u kala qorsheeyeen iyo goobaha ay u kala diyaariyeen gaadiidka magaaladda dibadda uga baxa, waxa uu yidhi, “Waxaanu Gaadiidka magaalada u kala baxa u qorshaynay sidan Gaadiidka u baxa Bariga, sida Berbera iyo Burco, waxaanu istaan uga dhignay  Xero-Dhiigta horteedda,  Gaadiidka Woqooyiga u baxa waxaanu u u qorshaynay Kaantaroolka Ina Aamin dushiisa  ayaanu uga samaynay Istaan, Gaadiidka Hawdka u baxa waxaanu Istaan uga dhignay Madaarka Agteeda, gaadiidka Galbeedka u baxa waa inay tagaan halka waddada Boqol iyo Konton iyo waddada kale iska gooyaan oo aanu istaan uga samaynay.”

Maayarka oo sharraxayey qorshe Basaska iyo Takaasida loogu samaynayo lahaa Istaamo u gaar ah oo magaalada ka baxsan, waxa uu yidhi, “Waxaanu guddi u saarnay gaadiidkii Basaska nidaamin lahaa oo iyagana kooneyaasha loo geyn lahaa, waxaana guddidaasi ka mid ah Agaasimaha arrimaha bulshada dawladda Hoose,Taliyaha Ciidanka nabadgalyadda waddooyinka, la taliyaha wasiirka Hawlaha Guud iyo xildhibaanada golaha deeganka ee hawshan ku shaqada leh, waxaanay soo diyaarin doonaan Istaamada Basaska iyo Takaasidda  oo halka ay gaadhaan uga samayn doonaan istaan.”

Maayar Soltelco waxa kale oo uu kaga dhawaajiyey qorsheyaal dawladda Hoose goobo cayiman ugu samaynayso Xarumaha Jaadka lagu iibino Macradadda Baabuurta lagu iibiyo oo uu sheegay magaalada in laga dhex-saari doono magaalada gudaheeda.

Gudidda iskaashatooyinka Gaadiidka magaalada ka baxa iyo kuwo iskaga dhexgoosha gudaheedu oo xubno ka mid ahi kulankaas ka hadleen, ayaa soo dhoweeyey go’aanka dawladda hoose samaysay,  iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin goobo laga sameeyo istaamo u gaar ah oo helaan, maadaama oo aanay markii hore haysan goobo u gaar ah.

Gunaanadkii, waxa ay Maayarka iyo Guddida iskaashatooyinka Gaadiidleydu isla gorfeeyeen inay sida ugu habboon iyada oo dhinacyada ay khusaysaa ay iska kaashanayaan lagu hirgelin lahaa.

Codkahargeysa.com/Hargeysa