MUQDISHO (CH)- Inta la ogyahay 10 qof oo shacab u badan ayaa ku dhimatay, tiradaas in ka badanna dhaawacyo ayaa ka soo gaadhay Qarax ismiidaamin ah oo caawa abbaaro 7-dii Fiidnimo lagu bartilmaameedsaday Makhaayad ay ka qaxweynayeen, qaarkoodna ka shaqaynayeen oo ku taalla waddada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Makhaayadda oo lagu magacaabo Orama Coffee, kuna taala inta u dhaxeyso meesha lagu magaacabo Isgoyska Sayidka iyo Hotel Weheliye, ayaa lala beegsaday Gaadhi nooca raaxada ah oo inta laga buuxiyey walxaha Qarxya la dhigay ka soo hojeedka waddada ay ku taallo Makhaayadda oo ah goob xilliga habeenkii ay dadku isugu yimaaddaan.
Qaraxan oo aanay jirin cid masuuliyaddiisa wali sheegatay, ayaa lala beegsaday saraakiil ka tirsan dawladda Soomaaliya oo ku sugnaa makhaayadda, waxaana dadka ku dhintay ku jira Darawalkii Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya Jeneral Cabdilaahi Gaafow.
Waxa isla markiiba goobta soo gaadhay ciidamada Ammaanka oo la wareegay gacan ku-haynta goobta, iyada oo xidhay jidadka goobtaas soo gala, iyaga oo isla markii ay goobta yimaaddeen bilaabay rasaas aan la garanayn cidda ay la bartilmaameed-sanayeen, balse lama sheegin cid wax ku noqotay rasaasta ciidamadu ridayeen.
Meydadka dadkii ku dhintay Qaraxan iyo dadkii ku dhaawacmay ayaa loo qaaday cusbitaallada magaalada Muqdisho, gaar ahaan cisbitaalka Madiina.
Ma jiro wax war oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka oo ku saabsan dhacdadan, in kasta oo ay weli socoto baadhitaanno laga wado goobta dhiigga badan ku daatay.
Codkahargeysa.com
Xigashada Sawirrada: Universal