“Maaha Khalad dhacay, waa badheedh in Somaliland Dagaal ka dhaco markaynu Run isu sheegno”

0
340

London (CH)- Qurbo-joogga Waddanka Ingriiiska ee Beesha Yoonis Cabdiraxmaan oo ka mid ah Beelaha Habarjeclo, ayaa shir ay ku yeesheen magaalada London ka soo saaray go’aamo ay ku dhalliileen hoggaaminta Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo ay sheegeen inuu ku fashilmay, waxaanay ka digeen dagaallo iyo iska horkeenis masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo taladii iyo hoggaamiintii dalka ka maroorsaday madaxweynuhu ay doonayaan inay ku burburiyaan shacabka Somaliland.

HJGuddoomiyaha Qurbo-joogga Beesha Yoonis Cabdiraxmaan ee Habar-jeclo Maxamed Cabdi Halac, ayaa shan qodob oo ad-adag, isla markaana ay wax badan oo dadan ku muujiyeen ka akhriyey Barnaamij gaar ah oo uu u duubay Talefeshinka Horn Cable Xafiiskiisa London. Waxaanu Maxamed Sheegay in Madaxweynaha taladii lagu aamminay ee uu u dhaartay uu gacanta u geliyey kooxo xidhiidh la leh kooxo kale oo uu sheegay inaanay u danaynin dadka iyo dalka toona. Waxaanu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo hadduu caawa dhinto magac-xumo iyo maga-xumo la god-geli doono.

Waxa kale oo qodobbada uu akhriyey ee uu sheegay inay ku go’aamiyeen shirka ay ku yeesheen London ku sheegay in Shirkadaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland heshiisyada Qarsoodiga ah ee aan Baarlamaanka la marin la gashay yihiin kuwo xaaraan ah, isla markaana aanay ahayn Shirkado caalamka ka diiwaangeshan ee ay yihiin shirkado intii Xukuumadda Siilaanyo jirtay loo samaystay in lagu lunsado khayraadka Somaliland oo lagu fadhataysto Shidaalka iyo Macdanta dalku leeyahay ee dadku wada leeyihiin.

HALKAN KA DAAWO

Codkahargeysa.com