Madaxweyne Siilaanyo oo Badhasaab Cusub u magacaabay Gobolka Buuhoodle

0
334

siilaanyoHargeysa (CH)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreeto uu caawa soo saaray waxa uu guddoomiye cusub ugu magacaabay gobolka Buuhoodle, halka uu sidoo kale xilkii ka qaaday badhasaab ku-xigeenkii hore ee gobolkaas Cabdiqani Cabbaas Muuse.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Xafiiska xidhiidhka Saxaafadda ee Madaxtooyada Cabdinaasir Yuusuf Daahir, waxa uu madaxweynuhu guddoomiyaha gobolka Buuhoodle u magacaabay Cismaan Ciise Maxamed inuu noqdo Badhasaabka gobolka Buuhoodle

Warsaxaafadeed lagu faafiyey digreetada madaxweynaha, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, waxa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2823/102014, waxa uu Xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Buuhoodle, isla markaasina waxa uu madaxweynuhu xilkaasi u magacaabay Masuul Cusub.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                  Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay:          Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Garwaaqsaday:                In baahi loo qabo buuxinta xilka Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle;

Markuu La Tashaday:     Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu ku qancay:                         In uu hanan karo xilkan;

Wuxuu go’aamiyay

In Mudane, Cismaan Ciise Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

Ku: Mudane, Cabdi-qani Cabaas Muuse

Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Buuhoodle

Mudane,

Xilalka Qaranka ayay dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo shaqada Qaranka.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Buuhoodle ee Jamhuuriyadda Somaliland,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.