Athens (CH)- Boqolaal Muhaajiriin ah oo dhammaantood Soomaali ah, ayaa ku caddilan dhowr magaalo oo ka tirsan Waddanka Greece-ga oo ku yaala Qaaradda Yurub, ka dib markii Xawaaladda AMAL oo ah xawaaladda kaliya ee Soomaali leedahay ee ka shaqaysa gudaha dalkaasi ay gebi ahaan musallaftay, isla markaana albaabada loo laabay.
Xawaaladda AMAL oo ka mid ah xawaaladaha ugu faca-weyn kuwa Soomaalidu lacagaha isu-dirto, ayaa dadka Soomaalida ah ee ku nool waddanka Greece-ga u ahayd xawaalad muhaarajiriinta halkaas ku nool ay qoysaskoodu lacagaha u mariyaan isla markaana uba ahayd Bangi ay ku keydsadaan lacagaha inta ay ku sugan yihiin waddanka Greece-ga.
Arrintan oo fejeciso iyo amakaag ku noqotay Muhaajiriinta Soomaalida ah, ayaa dhacday todobaadkan gudihiisa, ka dib markii dawladda Greec-gu ay xabsiga u taxaabtay Mulkiilihii Xawaaladda AMAL qaybteeda waddanka Greec-ga, ka dib markii tuhunno la xidhiidha soo-galay oo sharci-darro lagu xidhiidhiyey ay soo galeen ninkii wakiilka ka ahaa xafiiska shirkadda ee dalkaas.
Waddanka Greece-ga ayaa muddooyinkii u dambeeyey marin ay ka galaan Qaaradda Yurub u noqotay Muhaajiriin badan oo Soomaali ah, kuwaas oo dhinaca dalka Turkiga si tahriib ah uga gala Greece-gga, halkaas oo ay muddo sannado ah ku qaadato inay sifo sharci iyo mid sharci-darroba ah inay Tahriibayaashu kaga baxaan iyaga oo u gudbaya waddamada Galbeedka Yurub. Waxaana inta ay ku sugan yihiin halkaas biilashooda iyo kharashaad ay qoysaskooda ka helaan u mari jirtay Xawaaladda AMAL.
Ilaa immika lama garanayo waxa ay yihiin tuhunnada loo xidhay Mulkiilaha ama Wakiilka xafiiska Muhaajiriinta Soomaalida ah lacagta kala musallafay ee shirkadda AMAL ku leedahay Caasimadda dalka Greece-ga ee ATHENS.
Shakhsiyaad ka mid ah Soomaalida ku dhaqan dalkaas oo lacagi u taallay Branch-ka Shirkadda ee Athens ee albaabada loo laabay oo la soo xidhiidhay shabakadda Caalamiga ah ee CodkaHargeysa.com, ayaa walaac ka muujiyey saamaynta ay dhacdadani noloshooda ku yeelan doonto, iyaga oo sheegay inaanay haysan il-dhaqaale oo ay noloshooda ka dabbaraan maadaama oo ay ku caddilan yihiin waddan aan dhaqaale iyo Shaqo midna lahayn.
Dadkani waxa ay maamulka Guud ee Shirkadda ugu baaqeen in Hantidooda loo qaan-dhabo maadaama oo waxa ay aamineen yahay magaca iyo astaanta shirkadda oo deegaannada Soomaalida si weyn looga yaqaanno.
Dhacdadan ayaa noqonaysa markii u horeysay ee Soomaali Tahriibayaal ah oo ku xanniban waddan Shisheeye ay Hantidooda galaafato shirkad Soomaaliyeed oo ay magaceeda iyo sharafteeda aamineen.
CODKAHARGEYSA.COM