Hargeysa (CH)- Maayarka Caasimadda Hargeysa Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa maanta Hilib u qaybiyey maxaabiista ku jirta jeelka weyn ee magaaladda Hargeysa.
Maayarka Hargeysa ayaa laba Awr u qallay maxaabiistan si ay farxadda muslimiinta ee Ciidal Axda ula qaybsadaan, taas oo uu dhowaanna u sameeyey buufin iyo olole Nadaafadeed oo uu jeelka ka dhex sameeyey.
Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta ayaa maayarka uga mahad celiyey garashadda uu gartay in maxaabiista uu kula ciiddo, isla markaana uu Xooloo qolay, isagoo maayaradda kale ugu baaqay inay kaga daydaan talabaadaasi uu sameeyey.
Ugu horeyn Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Col:Xasan Cali Dheere ayaa Maayarka ku amaanay xidhiidhka uu mar walba la sameeyo iyo sida uu uga war hayo maxaabiista jeelka dhexe ku jira, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Maayarka Caasimada mahadnaq gaar ah ayaan u noqayaa, Waa maayarkii kowaad ee gartay in dadka xidhan inuu masuul ka yahay oo uu maanta xoolo u qallo,waa markii shanaad iyo lixaad ee uu xabsigan soo booqdo mar walbana diyaar buu u yahay inuu wax nala qabto oo maxaabiista xidhan ee sharciga jabiyey waxay u baahan yihiin u qabto,ilaahay baa garan siiyey inay yihiin dadkiisii oo sharciga khilaafay, waxaana maanta noo sharaf ah in dadkii ku xidhna xabisigan dhexe ciida carafe kula dhex ciidano,kuwas oo ku faraxsan xoolo loo qallay”.
Taliyaha Cidanka Asluubta Gen:Maxamed xuseen Faarax Xiirane, ayaa maayarka ku amaanay sida uu mar walba wax ula qabto Maxaabiista, kuwaas oo uu maayaradda kale ku booriyey inay kaga daydaan waxqabadkaasi muuqda.
Taliyaha oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “aad baan ugu faraxsnahay in Maayarku xabsiga noogu yimaado isagoo u keenay maxaabiista laba Awr oo uu kala ciido,xaq bay u leeyihiin inay dadkooda salaamaan, waxa kale oo fariin u diriyaa sida maayarka Hargeysi maxaabiista ula shaqeeyo waa in maayarada kale kaga daydaan, maayarku waa nin dhalinyaro ah oo ka warhaya wax walba oo maxaabiistu u baahato haddii ay biyo tahay iyo hadii nadaafad tahayba, taariikhda qori doonta nin walba waxa uu umaadiiisa u qabto”.
Maayarka Caasimadda Hargeysa Md:Cabdiraxmaan Caydiid Soltelko ayaa sheegay inay mar walba ka fuliyaan olole nadaafadeed iyo Buufin xaga cayayaanka ku dhasha ah, waxaanu maayarku taliyaha iyo ku xigeenkiisa ku amaanay sida wanaagsan ee ay uwada shaqeeyaan.
Maayar Soltelko oo Maxaabiista jeelka ku jirta kala qaybgallay Ciidal Udaxa ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Aad baan ugu faraxahanay in dadkii sharciga ku gafay ee wixii ciqaab lahaayeen maxkamaddu mariyeen in aanu casuumad u samayno, anagoo eegayna xaqa bani’aadanimo iyo dadnimo ee ay inagu leeyihiin, dawlad hoose ahaan waxaanu iska xilsaarnay in dadka xidhan iyo kuwo ilaahay maskaxda ka qaaday oo labaduba ay ka mid yihiin kuwo aanu xukuno aanu wax u qabano, oo kuwan xidhan waaba la soo boqdaayoo eheladoodda ayaa cuntadda u timaadee kuwa maskaxda ka xanuunsanaya ee ehel iyo qaraabo toona lahayn waxaanu u qornay sodan neef oo adhi ah, waxaana jeelashana ka fulinaa in aanu buufino iyo in aanu nadaafadoodda ilaalino”.
Sidoo kale, maayarku waxa uu salaanta ciidal udxiya u diray madxweynaha, marwadiisa, madaxweyne ku xigeenka iyo marwadiisa iyo madaxda xisbiyadda qaranka iyo goleyaasha Qaranka iyo shacabka reer Somaliland gaar ahaan kuwo Caasimadda.
Sidoo kale, Maayarku waxa uu umahad naqay taliyaha iyo kuxigeenka ciidanka Asluubta oo uu sheegay inay si wanaagsan ula shaqeeyaan, isla markaana wax badan ka qabteen jeelasha.