Hargeysa (CH)- Xubno ka tirsan wax-garadka, Aqoonyahanka iyo Xildhibaannada Golaha deegaanka degmada Buuhoodle, ayaa xukuumadda ku bogaadiyey mashaariicda adeegyada bulshada ee ay ka fulisay degmada Buuhoodle iyo deegaannada hoos-yimaadda, waxaanay si gaar ah ugu mahad-naqeen wasiirrada Caafimaadka iyo Waxbarashada Somaliland.
Xildhibaan Cismaan Faarax Warsame (Jiciir) oo ka tirsan Golaha deegaanka Buuhoodle, Aqoonyahan Axmed Cabdilaahi Hangool iyo xubno ka tirsan wax-garadka deegaanka Buuhoodle oo magaalada Hargeysa kula hadlay warbaahinta, waxa ay wasiirrada Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan iyo Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed ku hambalyeeyeen mashaariic horumarinta adeegyada bulshada ah oo ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Buuhoodle.
Xildhibaanka iyo xubno ku wehelinayey shir-jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa oo ay ku sugan yihiin, ayaa sheegay in xukuumaddu wax-ka-beddel la taaban karo ka samaysay dib-u-dhac bulshada gobolka Buuhoodle ku dhaqan inta kale ee dalka kaga dambeeyeen.
“Haddaanu nahayd dadka gobollada Bariga gaar ahaan Buuhoodle aad iyo aad baanu uga fognahay marka la eego dhulka aanu deggennahay, waana meelihii u dambeeyey ee colaado Somaliland ka dhaca ay ku dambeeyeen. Dadkaasi waa dad dib-u-dhac fara badani gaadhay, waa dad u baahan in loo sameeyo dib u dejin iyo horumar, in kasta oo immika Xagga Waxbarashada iyo Caafimaadku meel wanaagsan marayaan oo runtii labada wasiirba dedaal dheer bay u galeen sidii ay bulshada ku dhaqan deegaankaasi u heli lahaayeen adeegyada Caafimaadka iyo waxabarashada,” Sidaas waxa yidhi Xildhibaan Cismaan Faarax Warsame oo ugu horeyn shirkaas jaraa’id ka hadlay.
Xildhibaanku waxa uu hay’adaha kale kale ee dawladda gaar ahaan Wasaaradaha Biyaha, Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha ugu baaqay inay kaalintooda ka qaataan horumarinta gobolka iyo sidii loo soo gaadhsiin lahaa gobollada kale ee dalka.
Xildhibaanku waxa uu shacabka Buuhoodle ugu baaqay inay ka qayb-qaataan Diiwaangelinta Madaniga ee la qorsheeyey in dhowaan dalka laga qabto, waxaanu yidhi, “Aniga oo ku hadlaya magaca shacabka reer Buuhoodle ee codkooda i siiyey, waxa aan shacabayga u ugu baaqayaa inay si mug leh uga qayb-qaataan diiwaangelinta Muwaadiniinta iyo Kaadhka Codbixinta oo ay wakhti siiyaan sidii ay u heli lahaayeen labadaas kaadh.”
Aqoonyahan Axmed Cabdillaahi Hangool oo ka mid ah qurbejoogga Buuhoodle oo safar ku jooga magaalada Hargeysa,ayaa kooxda uu hoggaamiyo Cali Khaliif ee xasilooni-darrada ka wada deegaannada gobollada Buuhoodle ugu baaqay inay bulshadooda wax kala qabtaan horumar la’aanta iyo dib-u-dhaca ka jiraa deegaannadooda.
“Buuhoodle waxoogaa horumar ah ayaa laga gaadhay oo qabyo la daboolay way jirtaa, laakiin waxa loo baahan yahay in layska kaashado oo aqoonyahanka, wasiirrada iyo madaxda dhaqankuba fadhiga ka kacdo,” sidaa ayuu yidhi Axmed Cabdilaahi, waxaanu intaas ku daray, “Waxaanu leenahay Kooxayahaga Bariga ee Prof Cali Khaliif hoggaaminayo ku soo dhawaada halkan, madaxweynaha musftaqbalka Somaliland ayaan kuu arkaa, kaalay oo aynu dadka wax la qaybsanno qaybteenii oo dhanbaa innaga maqan,” ayuu yidhi Axmed Cabdi Hangool.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM