Qurbejoogta Beesha GAF oo ku gacan-saydhay Go’aamo laga soo saaray shaqaaqadii ka dhacday Balliga Diiriye Guuleed

0
310

“Waxayna qurba jooga beeshu halkan ka cadaynaysa in hore aan wax dhibaato ahi uga jirin deegaamadaa bali diiriye oo labada beelood ee walaalaha ahi si nabad galyo ah u wada degenaayeen waligood hadana u wada degan yihiin,lakiin xukumada siilaanyo aad moodo inay muran iyo” – BAYAAN

London (CH)- Qurbejoogta Beesha Axmed Faarax ee waddamada Yurub iyo Woqooyiga Maraykanka, ayaa Odayaasha iyo Waxgaradka Beeshooda ku raacay go’aan ay ku qaaddaceen xukun guddi ka tirsan Golaha Guurtidu ka soo saareen Muran dhul-daaqsimeed oo sababay Shaqaaqo deegaanka Balliga Diiriye ee Woqooyiga Burco ku dhexmartay Beesha Cabdidalle Arab (Arab) iyo Beesha Reer Biniin (Axmed Faarax/Habarjeclo).

war-saxafadeedGuddi Golaha Guurtidu u xil-saartay inay xal ka gaadhaan shaqaaqada Balliga Diiriye Guuleed, ayaa baadhis iyo u-kuul-gal ay ku sameeyeen muranka labada beeleed ku shaaciyey kulan loo dhan yahay oo labada beeloodba goob-joog ka ahaayeen, ka dib markii xubno wasiirro ka tirsan golaha xukuumaddu ku fashilmeen xal lagu dhex-dhexaadiyo labada beelood oo murankoodu sababay shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac la gaadhsiiyey Ciidamo ka tirsan booliska oo la kala dhex-dhigay labada beelood.

Kulanka go’aamada lagu shaaciyey ka dib, waxa magaalada Burco shir-jaraa’id ku qabtay madax-dhaqameed iyo wax-garad ka tirsan beesha Reer Biniin/Axmed Faarax oo gaashaanka ku dhufatay xukunka guddiga oo ay u nisbeeyeen inuu garab siinayo beesha Cabdalla Arab.

Haddaba, waxa go’aanka odayaasha go’aamaada qaaddacay ku raacay isla markaana khiyaamo xukuumadda Siilaanyo ku samaysay ku tilmaamay qurbejoogta beesha salluuga muujisay oo war-saxaafadeed ka soo saaray arrintan.

War-saxaafadeed ayaa u qornaa sidan: “Jaaliyada Gaashaan Buurta Axmed Faarax GAF Oo Ku Dhaaaaqday Inay Kalsoonidii Kala Noqonayso Xukumada Siilaanyo Iyo Xisbigiisa Yar Ee Kulmiye Kadib Tacadiyadii Iyo Dulmigii Baliga Diiriye Guuleed Ee Uu Ku Duudsiyay Xaqoodii.

Dhawaan ayey ahayd markii xukumada Axmed maxamed siilaanyo ay u dirtay raxan wasiiro ah oo u tagay si ay usoo xaliyaan muran ka taagnaa waqooyiga burco oo ay ku muransanayeen beesha reer biniin iyo beesha cabadalle arab, waxayna ka soo saareen go’aamo ay labada dhinacba soo dhaweeyeen, Balse kadib markii la dhaqdhaqaajiyay odayaal beesha cabdalle arab ah loona kexeeyay madaxooyada hargeysa oo huteel looga kireeyay si ay u kulmaan madaxwaynaha.

Kulankaas kadib ayaa waxaa madaxwayne siilaanyo u balan qaaday odayaasha cabdalle arab in uu duudsiyi doono beesha reer biniin deegankooda bali diiriye guuleed una magacaabay gudi ka kooban golaha guurtida oo go’aan uu kasoo tahriibiyay hargeysa ku amray inay kusoo ridaaan beesha reer biniin.

Gudiga uu soo diray madaxwayne ee ka socday golaha guurtida ayaa beesha reer biniin ee GAF ku riday go’aan jujuub ah oo khasab ah kaas oo ay shir jaraaid ku qabteen isla maalintiiba magaalada burco oo ay ku qaadeceen go’aanka madhalayska ahaa ee aan shaqayn doonin wax kasta oo dhaca.

Hadaba Jaaliyada beesha reerbiniin ee gaashaan buurta axmed faarax (GAF) ayaa todobo qodob ka soo saaray oo kala ah kuwan hoos ku xusan.

1-Hadaanu nahay qurba jooga reer Biniin ee GAF waxaanu ka soo hor jeedna go’aanka xaqdarada ahaa ee madaxwayne siilaanyo ku riday deegaamada iyo dhulka beesha reer biniin ee burco waqooyigeeda ah Bali diiriye guuleed.

2-Waxayna qurba jooga beesha reer biniin isku raaceen inay qaadacaan dulmigaa iyo go’aankaa aan dhexda ahayn ee lagu duudsiyay dhulkoodii ay deganyeen ka awoow ka awoow”.

3-Waxayna qurba jooga beeshu halkan ka cadaynaysa in hore aan wax dhibaato ahi uga jirin deegaamadaa bali diiriye oo labada beelood ee walaalaha ahi si nabad galyo ah u wada degenaayeen waligood hadana u wada degan yihiin,lakiin xukumada siilaanyo aad moodo inay muran iyo go’aamo is burinaaya marba kasoo saarayso kaaas oo ay beesha reer biniin dan u arakin”.

4-Qurbajooga Beesha waxay islagarteen in aanay aqbali doonin wax kasta oo ku duulaan ah deegaamadooda dhulkooda hantidooda iyo xoogooda kana xigaan difaacid si wada jirana isugu raacsan yihiin dibad iyo gudaba.

5-Qurbajooga beesha reer biniin ee Gaashaan Buurta Axmed Faarax (GAF) Waxay isla garteen hadii xukumada axmed Maxamed maxamuud siilaanyo ay dib uga noqon waydo go’aankan xaqdarada iyo duudsiga ah ee lagu riday inay kalsoonidooda kala noqon doonaan xisbiga kulmiye iyo gabi ahaanba xukumada axmed maxamed siilaanyo.

6-Beesha reer biniin waxay go’aansatay in aanay waxaba la hadhi doonin difaaci doontona dhulkooda iyo hantidooda hadii laysku dayo in shaadhka dawladeed lagu maquuniyo.

7-Beesha reer biniin waxay waxay marwaba taageerttaa ilaalinta nabad galyada xasilonaanta meelaha ay wada deegaan beelaha ay walaalaha yihiin ee somaliland, waxayna aad u taageerssan tahay qadiyada somaliland iyo gooni isu taaga ee lama taabtanka ah.

Allaa Mahad Leh

Afhayeenka Jaaliyada Qurbajooga Beesha Reer Biniin Ee Gaashaan Buurta Axmed Faarax (GAF)

Maxamed Xuseen Geele Wacays UK