Faahfaahinta Waxyaabaha lagaga wada-hadlay Kulan Madaxweynaha Somaliland la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Switzerland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Socdaal Shaqo ku jooga Somaliand
Hargeysa (CH)- Dawladda Switzerland oo markii u horraysay wefti ka kooban Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Mr. Yves Rossier iyo Safiirka u Nairobi u fadhiya Mr. Dominik Langenbacher. ee arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan u soo dirtay Somaliland, waxay caddeeyeen masuuliyiinteedaas in dawladoodu kor u qaadi doonto lacagihii deeqaha ahaa ee ay siiso Somaliland, kuna dareen lacag dhan $2 milyan oo dollar.
Weftigan ka kooban Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Mr. Yves Rossier iyo Safiirka Switzerland u fadhiya Nairobi ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) .
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo kulanka weftigan ay la yeesheen ka warbixiyey waxa uu sheegay in ay ka wadahadleen sidii cilaqaadka labada dal kor loogu qaadi lahaa, isagoo sheegay in ay ballanqaadeen in ay lacago deeq ah oo Switzerland Somaliland siiso ay kor u qaadeen.
“Waxaan soo dhawaynaya Wasiirka Switzerland iyo safiirka la socda, waana markii ugu horraysa ee wasiirka iyo weftigiisu noo yimadaan. Waxa aannu ka wadahadlaynay sidii labada dal cilaqaad u yeelan lahaayeen, sidii hore u marin lahayn cilaqaadkii hore ee jiray. Waxa aan uga mahadnaqaya waxtarka ay had iyo jeer na siiyaan, iyagoo iminka ballanqaaday in ay waxqabadkooda sii kordhiyaan, kuna daray $ 2,000,000 (Laba milyar dollar) dhaqaalaha caawimada ah ee ay bixinayaan.
Waxyaabaha kale ee aanu ka wadahadalnay waxa ka mid ah sidii ay dalkan uga caawin lahaayeen , waxaanannu u sheegnay inuu waddan nabad ah yahay, xuquuqal-insaanka ilaaliya, dimuqraadi ah oo doorashooyin xalaal ah ka dhaceen, mustaqbalkana la rajaynaayo in ay ka dhacaan,” ayuu yidhi Md. Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiirka Khaarajiga Somaliland wuxuu sheegay in weftigan booqasho indho indhayn ah ay ku tegi doonaan magaalooyinka Berbera iyo Sheekh, waxaannu yidh; “Weftigan waxay bari u baxyaan Berbera iyo Sheekh, iminkana waxay ka yimaadeen Xamar oo dhibaato ka taagan tahay, laakiin waxaannu doonaynaa in aanu tusno nabada meesha taala iyo in waddankan la isu socon karo. Waxaanannu jecel nahay in aanu cilaqaad la yeelano, waxyaabo badan baanu noogu ballanqaadeen in ay nagala shaqeeyaan.”
Geesta Kale, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Switzerland Mr. Yves Rossier oo weftigaas u hadlay waxa uu sheegay in ay Somaliland sharaf ku heshay hanaanka doorashooyinka dimuqraadiga ah, saxaafadda xorta ah iyo bulsho nabada ku dhisan, waxaannu yidhi; “Dawladda Switzerland waxay la shaqaysaan mandaqada oo dhan oo Somaliland ka mid tahay, waxanaay kala shaqaysa arrimo badan oo ay ka mid yihiin horumarka, arrimaha siyaasadda. Waxaan madaxweynaha Somaliland u sheegay in waxa ugu muhiimsan ee Somaliland haysata tahay sharaf. sharafteeduna ku xidhan tahay doorashada dimuqraadiga ah, saxaafadda xorta ah, bulsho amni ku dhisan, habka ka qaybqaadashada dawladda oo ah mid aad u fiican marka waqtiyadan la eego.”
Wasiir Mr. Yves Rossier waxa uu intaa ku daray in Switzerland ahaan ay Somaliland u soo kordhin doonaan deeqaha uu baanka adduunku bixiyo ee ay ka qaybqataan, iyagoo kala shaqayn doona Somaliland iyo Soomaaliya in wadahadalu hore u sii socdaan.
“Bulshadda caalamku waxay aad u danaysnaysaa xaaladda Muqdisho iyo Badhtamaha Soomaaliya. Waxa kale oo aanu ka wadahadalnay Madaxweynaha waxa Somaliland u qban karto Somalida kale ee gobolka, gaar ahaan Badhtamaha Soomaaliya. Berri waxaannu booqan doona dhawr goobood sida Sheekh iyo Berbera oo mashaariic aanu ka fulin doono si loo kordhiyo deeqaha Baanka Adduunku bixiyo si loogu maalgaliyo Somaliland, gaar ahaan Switzerland waxay kordhinaysaa maalgashiga iyo deeqaha ay Somaliland siiso, kana maaha wada shaqayntaha dhammadkiisa, balse waxaannu ka qaybqaadan doona dhinaca siyaasadda si ay u socdaan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee bilaabmay, waana arrin aan muhiimadeedu ku koobnayn Somaliland, balse gobolka oo dhan ah,” ayuu yidhi.
Weftigan waxay dalka ku sugnaan doonaan dhawr maalmood oo ay socdaalo ku soo mari doonaan degaannada Berbera iyo Sheekh si ay u soo indho indheeyaan horumarka ka socda sida Wasiirka Khaarajiga Somaliland sheegay, waana markii u horraysay ee wefti wasiirro ah dawladda Switzerland u soo dirto Somaliland.