LONDON (CH)- Booliiska magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in la waayay Gabadh Soomaaliyeed oo 15-jir ah oo ku noolayd magaaladaas, taasoo la rumeysan yahay inay u baxsatay waddanka Suuriya si ay uga mid noqoto ama ugu biirto Kooxda Khilaafada Islaamiga ah la baxday ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Suuriya ee Daacish.
Saraakiil ka tirsan Booliiska Britain ee magaalada Bristol, ayaa sheegay in Gabadhan yari ay sii martay dalka Turkiga, isla markaana ay ka gudubtay soohdinta ay Turkiga iyo Suuriya wadaagan, xilligaas oo ay nabad-qab iyo caafimaad-qab sheegeen inay ku gudubtay.
Kaaliyaha Taliyaha Booliiska Bristol Louisa Rolfe, ayaa sheegay inay filayaan in Gabadhaas la marin-habaabiyay, isagoo intaas ku daray oo yidhi; “Muhiimaddu waa inaan ka hortagno xag-jireynta dhallinyarada.” Rolfe ayaa sheegay in qorshahooda ay ku joojinayaan in dhallinyarada laga dhaadhiciyo fikradaha jihaadiga ah aanay ahayn mid faquuq ah, laakiin-se ay tahay mid lagaga hor-tegayo dhibaatooyinka ay la kulmayaan.
Waalidiinta Gabadhan dhalay ayaa Booliiska ku wargeliyay Arbacadii hore in ay la’yihiin Gabadhooda, iyagoo sheegay inaanay ogeyn illaa hadda meesha ay jirto iyo sababta ay u maqan tahay. Hibaaq Jaamac oo ka tirsan Xildhibaannada magaalada Bristol, ayaa sheegtay in maalinta la waayay Gabadha ay sidii caadiga ahayd u tegtay Iskuulka ay wax ka baranaysay, balse markii aabbaheed uu u tegay inuu soo qaado xilli galabnimadii ah lagu baraarugay maqnaashaheeda. Xildhibaan Hibaaq ayaa sheegtay in qoyska Gabadha yari ka dhalatay ay arrintan si aad ah uga niyad-jabeen.
Farriin ay qoyska Gabadhan 15-ka ahayd ka baxsatay soo saareen ayay ku yidhaahdeen:- “Fadlan soo laabo. Si aad ah ayaannu kuugu hillownay. Wax dhibaato ah ma aadan qabin. Waxaan rabnaa oo keliya inaad adigoo nabad-qaba aad dib ugu soo laabato dalka Britain.”
Gabadhan Ardayadda ahayd ayaanay weli Booliisku magaceeda shaacin, waxaanay sheegeen inay markii hore tagtay London, isla markaana ay halkaas kula kulantay Gabadh kale oo 17-sano jir ahayd, iyadoo loo maleynayo inay labadan gabdhood diyaarad ka raaceen Garoonka Diyaaradaha Heathrow ee magaalada London.
Dhanka kale, Avon iyo Somerset oo ka tirsan Waaxda Baadhista Booliska Britain, ayaa sheegay inay baadhitaanno ku hayaan halka ay Gabdhahani tageen, balse ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo ay bixiyeen.
Bishii toddobaad ee sannadkan 2014-ka ayay ahayd markii laba Gabdhood oo Soomaali ah, isla marakaana Walaalo Mataano ah, kuna noolaa Britain oo da’doodu ahayd 16-jir ay Suuriya u tageen sidii ay ugu biiri lahaayeen kooxda Daacish, iyagoo barahooda Bulshadu ku kulanto ee Internet-ka ku faafiyey inay Xaasas u noqonayaan Mujaahidiinta Daacish, sida iyagu ay sheegeen.
Dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed oo Wiilal ah, ayaa iyaguna dalal kala duwan oo Yurub ah ka baxsaday, isla markaana si rasmi ah ugu biiray Kooxda Khilaafada Islaamiga ah la baxday ee ka dagaallanta qaybo ka tirsan dalalka Ciraaq iyo Suuriya, kuwaasoo ay ka mid yihiin Wiil uu dhalay guddomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Sidoo kale Wiil uu Adeer u yahay Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).