Maamulka Madaarka Hargeysa oo iska Fogeeyey Eedaymo Mucaaradku u jeediyeen

0
396

HARGEYSA (CH)- Maamulaha Guud ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa, ayaa iska fogeeyey eeddayn loogu jeediyey inay Axsaabta Mucaaridka ka horjoogsadeen Qolka Nasashada VIP-da ee garoonka oo ay doonayeen inay kusoo dhaweeyaan Masuuliyiin ka tirsan oo ay soo dhaweynayeen.

SONY DSCMaamulaha Madaarka Cigaal Internional Airport Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo maanta Warbaahinta Kula Hadlay Xafiiskiisa oo Madaarka Hargeysa Ku dhexyaalla, waxa uu  deedafeeyey inay Axsaabta Mucaaridka gaar ahaan Xisbiga Waddani iska hor taageen Qolka Nashada wakhti ay doonayeen inay madaarka ku soo dhaweeyaan Masuul Sare oo Xisbiga ka tirsan oo ka yimi dalka Australia.

Maxamed Yuusuf waxa uu meesha ka saaray inuu jiro codsi xisbiga Waddani ku dalbaday in loo furo qolka Nashada oo uu sheegay in horeba fasax ugu haysteen inay maamulka madaarka ka dalbadaan marka ay u baahan yihiin

“Ujeeddada aan u hadlayaa waxa ay daarran tahay anigoo arkayey xubno kamid ah xisbiyada mucaaridka ah sida UCID iyo Waddani oo wasaaradda Duulista iyo Maammulka Madaarkaba ku dhaleecaynayey in laga horjoogsaday qolka VIP-da, taas oo sida la wada ogsoonyahay nidaamka iyo habka lagu galaa uu yahay mid cad iyaga laftooduna ay hore u maamuusi jireen, waxaananu doonaynaa inaanu caddayno in warkaasi aanu jirin, cid u soo martay oo aanu horjoogsanayna jirin,” sidaa ayuu yidhi Maamulaha madaarka Hargeysa.

Waxa uu Maamuluhu soo bandhigay Waraaqo codsi ah oo ay mucaaridku hore ugu soo gubin jireen Maamulka Madaarka marka ay u baahdaan inay isticmaalaan qolka Nasashada ee Madaarka, waxaanu ku dooday hannaanka codsiyada loogu soo qorto Qollka VIP-du uu yahay mid ay kala siman yihiin Madaarrada Caalamiga, isla-markaana aanay arrintaas iyagu kali ku ahayn.

“Waxan doonayaa inaan sheego inay Sisbiyada mucaaridku u badheedheen inay Fadqalale ka dhex abuureen Madaarka iyo Shacabka, anigoo u sheegaya inaanu Madaarku ahayn madal siyaasadeed, balse uu yahay Goob shacabka loogu adeego, Haddii aanay Mucaaridku Yidiilo ka Qabin shacabkana u malayn maayo inay Taageero ku helayaan Waa Nala Cabudhiyey iyo waa Nala Cadaadiyey,”  ayuu yidhi  Maamule Maxamed Yuusuf.

Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay Xayn-daab lagu wareejiyey Madaarka oo sababay muranno iyo dhaliilo loo jeediyey Wasaaradda Duulista Hawada. waxana uu yidhi, “Waxaan doonayaa inaan wax ka idhaahdo dhaleecayn mucaaridka ka timi oo ahayd in lacagtii Xayndaabka madaarka la lumiyey oo la Kala Xidhay, waxanuse jecelahay oo is lahayn waa waajib cidkasta saaran in la idinku Hambalyeeyo Xadayntaas Madaarka, waxase ay mucaaridku garan waayeen Wixii ay Garteen Dadkii aanu dhulkooda ka qaadaynay ee Dhulkooda ku wareejiyey Danta Guud, anigoo dadkaas si weyn ugu mahad naqayaa, wixii ay xaq nagu lahaayeenna waanu ku maqanahay,” ayuu Hadalkiisa kusoo Koobay Maamulaha Guud ee Madaarka Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Codkahargeysa.com

info@codkahargeysa.com