London (CH)- Xurguf dhexmartay Xukuumadda Somaliland iyo Maamulka Telefishanka Universal, ayaa la soo afjaray, ka dib markii madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin dalka u dhashay dhex-dhexaadin ay dhex ka wadeen labada dhinac lagu guulaystay.
Maamulka telefishanka UNIVERSAL oo xaruntiisa guud tahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa xukuumadda iyo Shacabka Somaliland ka raalli-geliyey barnaamij laga baahiyo telefishankaas oo aflagaaddo iyo meel-ka-dhac loogu geystay madaxda Somaliland oo uu ku jiro madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Telefishanka UNIVERSAL, ayaa bilaabay barnaamijyo liddi ku ah isla markaana uu kula dagaalamayo Somaliland, ka dib markii xukuumaddu kala noqotay Liisankii ganacsi ee telefishankaasi kaga hawl-gali jiray Somaliland horaantii sannadkan, taas oo ka dambaysay markii uu telefishanku baahiyey warar dhaawac ku ah qaranimada Somaliland.
Mulkiilkiilaha telefishanka Universal Axmed Abuukar oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay taalli-gelin ka bixinayaan barnaamijyo lagu baahiyey telefishanka oo xukuumadda Somaliland ku tilmaantay inay meel ka-dhac ku ahaayeen qaranimada Somaliland, waxaanu rejo ka muujiyey in telefishanka UNIVERSAL oo aan dalka ka hawl-galin muddo Todoba bilood ay mar kale xukuumaddu ka ogolaato inay dib-uga hawl-galaan Somaliland.
HALKAN KA DAAWO