Hargeysa (CH)- Labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland, ayaa sharci-darro ku tilmaamay qaabka ay xukuumaddu u gudo-gashay bilowga diiwaangelinta Madaniga ah oo maalintii Khamiista ee todobaadkii hore si tijaabo loogu bilaabay Madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka tirsan golihiisa xukuumadda, taas oo ay ku tilmaameen mid ka hor-imanaysa heshiiskii dhexmaray xukuumadda iyo Xisbiga Mucaaradka ah.
Labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani oo maanta mid waliba si gooni ah uga hadlay arrinta bilowga diiwaangelinta, waxa ay ku doodeen inay sharci-darro tahay diiwaangelinta ay xukuumaddu bilowday maadaama aanay golayaasha sharci-dejintu wali meelmarin qabyo-qoraalka xeerka Diiwaangelinta oo horyaalla Golaha Wakiillada Somaliland.
Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa kali-talisnimo ku tilmaamay bilowga diiwaangelinta Madaniga ah ee xukuumaddu bilowgeeda guda-gashay iyada oo aanu jirin xeer la anisixiyey oo xalaaleynaya fulinteeda, sida uu sheegay aqoonyahan Jamaal.
“Waxa jirtay inay dorraad diiwaangelintii tijaabiyeen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirradiisu oo malaha sharciga ma yaqaanaane, sharciga Somaliland waxa uu sharci noqdaa mar alaale iyo marka uu baarlamaanku ansixiyo. Laakiin iyaga oo xeerkii qabyo-qoraalka ahaa aanu weli baarlamaankii anisixin, in madaxweynaha iyo wasiirradiisu ay aayar is-diiwaangeliyaan oo ficilkii bilaabaan, taasi waa kali-talisnimo, waana wax ka fog sharciga,” sidaas ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa.
Jamaal Cali Xuseen waxa uu xukuumadda ugu baaqay dabaqaadda shuruucda iyo xeerarka dalka u dejisan, waxaanu yidhi, “Waxaanu leenahay, madaxweynaha iyo golihiisa wasirraduba sharciga ha u soo noqdaan, hana ogaadaan inn golaha wakiilladu yihiin Golaha Sharci-dejinta Somaliland, sharci ay iyagu ansixiyaan ayuunbaa la fulin karayaa.”
Sidoo kale, Xoghayaha Xidhiidhka gobollada ee Xisbiga Waddani Cabdilaahi Axmed Maxamed, ayaa tallaabada xukuumaddu ku bilowday diiwaangelinta Madaniga ah ay ka tarjumayso xad-gudubyada dhinaca shuruucda dalka ah oo uu sheegay inay caadaysatay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.
“Waxa lagu heshiiyey inaanay labada diiwaangelinood is-dabrin oo ay is-barbar socdaan. Waxa ka soo noqday oo immika taagan oo sharci-darro ah oo ah in diiwaangelintii lagu ballansanaa inay sidaas u shaqayso ay sifo sharci-darro ah ku bilaabatay iyadoo baarlamaankii faraha kula jiro oo aan sharcigii la soo saarin, ayaa madaxweynihii iyo wasiirradiisii ugu tunka roonaa iska bilaabeen (diiwaangelinta) iyagaoo sharcigii dalka aku tumanaya,” ayuu yidhi Xoghayaha Xidhiidhka gobollada ee Xisbiga Waddani.
Dhawaaqa ka soo yeedhay xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland, ayaa ku soo beegmay maalin ka dib tijaabo lagu sameeyey diiwaangelinta Madaniga ah oo maalintii Khamiista lagu bilaabay Madaxweynaha iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada oo lagu diiwaangeliyey xarunta hay’adda Shaqalaha dawladda ee magaalada Hargeysa oo si tijaabo ah loogu qabtay. Sidoo kale, cambaareyn axsaabta mucaaradka ah ayaa ku soo beegmay todobaad ka dib kulan heshiis laga gaadhay khilaaf muran siyaasadeed sababay oo qodobbo ka tirsan Qabyo-qoraalka xeerka diiwaangelinta oo xisbiyada mucaaradku saluug ka muujiyeen, ka dib markii ay labada xisbi mucaarad qaaddaceen diiwaangelinta Madaniga ah in dalka laga qabto sababo la xidhiidha tuhun ka galay inay xukuumaddu uga faa’idaysanayso inay muddo-xileedkeeda ku korodhsato.
CODKHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM