Hargeysa (CH)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay soo saaray digreeto xambaarsan Xeer-madaxweyne oo uu ku abuuray Waax Cusub oo ku soo biiraysa Ciidanka Booliska Somaliland, kuwaas oo shaqadoodu noqon doonto ilaalinta ammaanka shirkadaha iyo goobaha laga fulinayo hawlaha Sahaminta iyo soo-saarista Shidaalka dalka.
Waaxdan cusub oo lagu magacaabo Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka oo maamul ahaan hoos imanaysa Ciidanka Booliska oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha laga maamulo, ayaa laga soo dhex-xuli doonaa Ciidamada Booliska iyo Milatariga Somaliland waxaana dhismaha iyo xubnaha ay ka koobnaanayso waax-dan iska yeelanaya masuuliyaddeeda taliyaha Ciidanka Booliska oo la kaashanaya Wasiirka wasaaradda Gaashaan-dhigga.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada oo lagu faafiyey digreetada madaxweynaha, waxaanu war-saxaafadeedkani u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2800/092014, ku abuuray, Aas-aasidda Waaxda Ilaadda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee Ciidanka Booliiska.
Madaxweynuhu
Markuu Arkay: Qodobada 123aad iyo 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu aas-aasay Saddexda Ciidan Qaran;
Markuu Arkay: Faqradda 4aad ee Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo qoraya in Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka;
Markuu Arkay: Xeerka Nabadgelyada iyo Anshaxa Guud Xeer Lr. 51/2011
Markuu Arkay: Faqradda 4aad ee Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo sheegaya in khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka ay mas’uul ka tahay Dawladda Dhexe.
Markuu Tixraacay: Dedaaladda Xukuumaddu ugu jirto daah-furka khayraadka debiiciga ah iyo ka faa’iidaysiga khayraadka debiiciga ah iyo ilaalintiisa;
Markuu Garawsaday: Baahidda loo qabo xoojinta Amniga Goobaha iyo cid kasta oo ku hawlan Sahaminta iyo Soo-saarista Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka;
Wuxuu Go’aamiyey
Aasaasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka (Oil Protection Unit) oo laga soo xulayo Ciidammada Milateriga iyo Booliiska, kana tirsanaan doona Ciidanka Booliiska oo hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Line Ministry), Xubnaha iyo qaab-dhismeedkiisana uu jaan-goyn doono Taliyaha Ciidanka Booliisku marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka xambaarsan digreetada madaxweynuhu ku abuuray waaxda cusub ee ku soo biirtay ciidanka Booliska Somaliland.
Ciidanka Cusub ee Madaxweynuhu ku kordhiyey Booliska Somaliland, ayaa fekerka hirgelintoodu timi horaantii sannadkan ka dib markii shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska oo gobollada Bari ka wadday sahamin shidaal ay dalka uga baxday sababo la xidhiidha dhinaca ammaanka, taas oo markii dambe wada-hadallo dalka Ingiriiska ku dhexmaray xukuumadda Somaliland lagu go’aamiyey in la sameeyo ciidan gaar ah oo ilaaliya ammaanka shaqaalaha ajaanibka ah iyo agabka shirkadda muddada ay ku hawlan yihiin baadhista iyo soo-saarista shidaalka.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM