Hargeysa (CH)- Dhalinyarada Bariga Magaalada Hargeysa ayaa kulan qado-sharafeed ah oo ay ku maamuuseen Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wad-Tashiga iyo Toosinta Qaranka ay ku shaaciyeen In ay magaalada Faca-weyn ee dagmada Cadaadley oo ka tirsan gobalka Maroodi-jeex ay ku qabanayaan shir-balaadhan oo ay ka soo qayb galayaan dhamaanba dhalinyarada reer Somaliland.
Kulankan oo ka dhacay Hotel Shiraaqle ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Muj:Xasan Guure Jaamac,Afhayeen Madasha Wada-tashiga Muj:Ibraahim Dhaga-weyne,Eng:Maxamed Xaashi Cilmi,Mujaahidiin kale oo ka tirsan Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta,guddoomiyaha Dhalinyarada Daallo Md:Deeq Cabdilaahi Cawaale,qaar kamid ah dhalinyarada abaabulaysa shirka dhalinyarada Cadaadley iyo Dhalinyaro kale oo aad u tiro badan.
Ugu horeyn waxaa kulankaasi ka hadlay Md:Xusseen Kayd waxaan uu halkaasi kaga dhawaaqay in ay marti galinayaan shir balaadhan oo ay ku qaban doonan Magaalada Cadaadley,isla mar ahaantaana ay ka soo qayb gali doonaan guud ahaanba dhalinyarada reer Somaliland,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay sida oo kale shirkan kaliya ay ku soo marti qaadi doonaan Labada Xisbi Mucaarad(WADDANI Iyo UCID) iyo Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta Qaranka.
“Shirkaasi waa uu dhacayaa,waxaana uu ka dhacayaa Dagmada Cadaadley waana mid dhalinyarada reer Somaliland oo dhan ah oo aanu madasha iyo Xisbiyada Mucaaradka ahna aanu ku macsuunay cid kale kumaanan macsuumin intaas ayuunbaana nagala soo qayb galaysa,anaguna gudidii qaban qaabada shirka ayaanu nahay shirkaasina wakhtigii loogu talo galay ayaa uu dhacayaa dhalinyarada oo dhana waanu u sheegnay oo waanu ogaysiinay”Ayuu yidhi Md:Xusseen Kayd.
Guddoomiyaha Dhalinyarada Ururka Daallo Md:Deeq Cabdilaahi Cawaale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu ka sheekeeyey waxyaabaha ka dhalinyaro ahaan ku kalifay in ay qaban qabiyaan shirkan,waxaana uu sheegay in ka dib markii ay arkeen cadaalad darrada baahsan ee taala guud ahaanba dalka oo dhan ay go’aansadeen in ay qaban qaabiyaan shir ay dhalinyartu kaga tashanayaan aayaha dalka.
“Haddaanu nahay dhalinyarada waxyaabaha nagu kalifay in aanu hawshan galno oo aanu ka dhiidhino,ama aanu qabano shirkan lagu qabanaayo cadaadlay ee aanu ugu talagalnay dhalinyarada Somaliland oo dhan meel kasta oo ay joogaanba,gaar ahaan kuwa ka damqanaaya ama aragtay cadaalada darrada ka jirta waddanka,marka aanu xooga soo yara dulmarnay waxaa ka mid ah Nabad oo ah ta qudha ee Somaliland ku faantoo oo nasiib darro aynu ogayn xabadii la’la dhacaayey dadkii reer Axmed dhagax,waxyaabihii ka dhacay Saylac,waxyaabihii ka dhacay Kalshaale,waxii ka dhacay Barbera,waxyaabihii ka dhacay Baliga Diiriye,iyo arrintan imika Gabiley ka dhacday ee aadka u foosha xumayd,waxaan kale oo iyadana aanu maskaxda ku haynaa oo arrinteeduna socotaa,dawladuna ay wadaa Tiyaatarka Hargeysa oo aad ogaydeen in nin la siiyey oo imika ay dawaladu hadan doonayso in ay qof kale siiso,si ay iskaga horkeento bulshada Somaliland ee wada degan,oo waxaa ay doonaysaa in ay hada dagaalkii darroor oo kale ay dib u soo celiso taas oo ah in ay Xukuumadani u Xuubsiibatay in ay bulshada Labadii wada daganba ay iska horkeento,aadna waanu u dhaleecaynaynaa arrimaha noocan oo kale ah”Ayuu yidhi Deeq Xasan Cabdilaahi.
Md:Deeq Xasan Cabdilaahi oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sida oo kale uu carabka ku dhuftay in dhaqaalihii yaraa ee dalku uu gacanta ugalay niman gaar ah oo sida ay doonan ugu takri-falaaya Hantida Umadda,waxaa sida oo kale uu tibaaxay in dhalinyaradu maanta joogta ay ku habsatay shaqo la’aan aad u baahsan oo ku kaliftay in ay dalka isaga tahriibaan waxaana uu yidhi: “Haddaan dhinaca dhaqalaha aan yara eegnana waxaad arkaysaa in wadankii uu dhaqaalihiisii uu afar nin oo qudha uu gacanta u galay,sida ay doonaana ay ka yeelayaan,cida ay doonaana ay ku xidhayaan,cida ay doonaana ay ku xumaynayaan.waxaana arrintaas markhaati ka ah waxa maalin walba dhacaaya ama khaladaad ah ee qasnadii dawlada wax lagala baxaayo,waxaan kale oo aanu aad uga dhiidhinay sida ay dhalinyaradu ugu shaqo la’ayihiin wadanka,oo dhalinyartii markii ay camal iyo shaqaba ay waayeen,shaqadiina ay waji noqotay oo ay arkayaan iyada oo mid aan waxba garanayn oo ka hooseeyey oo aqoon ahaan uga hooseeyey oo shaqaynaaya ay arkaan ay wadankii sii joogi kari waayeen,waxaa kale oo ay Xukuumadani soo kordhisay waa qabyaalad oo wax ay qabato iska daayoo,waxaa aynu ogayn muddadii ay Xukuumadani ay Xilka haysay shirar beeleedyadii dhacay oo tira beelay illaa hadan socda oo ay qabsanayaan dadadku iyaga oo Xukuumadan Cadaalada darro ka tirsanaaya”Deeq Xasan Cabdilaahi.
Guddoomiyaha Madasha wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo isna halkaasi ka hadlay aya si aad u soo dhaweeyey Shirkan ay ku dhawaaqeen dhalinyartu,waxaana uu ku dhiiriyey sidii ay halkaas ay maanta ka bilaabeen ay hore uga sii socon lahaayeen.
“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay intaas oo nin oo dhalinyaro ah oo isu timi,oo hawshan bilawday,waxaanan horta idiin ka mahad naqayaa casuumada aad noo samayseen,waxaan islahaa markii hore ee aad noo yeedheen hal midh uun aad dardaaran ku tidhaahdaan, oo dhaha kali ha noqonina oo tol badan ayaad leedinhiine oo illaa badhan iyo Lawya caddo dhibta aad qabtaan idin la qabaa jira,kol haddaad bilowdeena waxaan idin odhan lahaa fidiya.waxaanan aad iyo aad ugu faraxsanahay in aad idinku aad horteed garateen oo aad bilowdeen,waanan aqbal nay marti qaadkaas aad na marti qaadeen,waanan idin ku dhiirinayaa”Ayuu yidhi Muj:Xasan Guure Jaamac.
Afhayeenka Madasha Wada-Tashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Ibraahim Dhaga-weyne oo isna dhankiisa halkaasi ka hadal kooban ka soo jeediyey ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in ay dhalinyarta ay la barber istaagi doonaan waxii hiil iyo hooba ah ee dhankooda ah,waxaana uu tibaaxay in shirkaasi ay dhalinyaradu ku dhawaaqday uu yahay mid aad iyo aad muhiim u ah umadda reer Somaliland.
“Dhalinyarada waxaan ku guubaabinayaa shirkaas,marka horena marti qaadkan iyo go’goshan aad noo sameyseen,iyo qadadan aad noogu yeedheen waanu idin ka idiin ka mahad naqaynaa.marka labaad soo jeedintaa aad soo jeediseen boqolkiiba boqol ayaanu idin ku raacsanahay,waanu idin ku taageeraynaa,oo waanu idin ku garab taaganahay,hiil iyo hooba waanu idin la qaybsanaynaa,wax allaale iyo waxii shirkaas nagaga waajib ah waanu idin la galaynaa oo waa toosin ay umaddu leedahay,waa xumaan diid.dhalinyaro xumaan diidaysana waanu raacaynaa,wax allaale iyo waxii idin kaga yimaadana idin kala mid ayaanu nahay,ku bushaaraysta calooshiinana ku adkaysta oo waxaanu leenahay waxaa iyo wax kabadaniniba waa ay inoo yaaliin”Ayuu yidhi Mujaahid Ibraahim Dhaga-weyne
Ugu danbayntii waxaa kulankaasi soo afmeeray Eng:Maxamed Xaashi Cilmi waxaana uu yidhi:
“Aad ayaad u mahadsantihiin casuumada aad maanta noogu yeedheen,qadada wanaagsan iyo waliba rayigan wanaagsanba anagana runtii ididiilo ayaad nagaliseen oo in dhalinyartu ay wali nooshahay ayaad muujiseen,shirkana sidaas la yidhi waa wax lagu farxo,waa wax ay tahay in laga shaqeeyo,waana arrin loo baahan yahay,waayo maanta dalku badbaado ayaa uu ubaahan yahay,badbaadanu meel kale ka iman maysee,waxaa ay ka imanaysaa intiinaa yar yar,intayadii waaweynayd iyo intii kale ee fikrada isla qaadata ayuunbaa badbaadada illaahay ka sakow oo dadaasha ayuunbaa uu isbadalku ka imanka karaa’Ayuu yidhi Eng:Maxamed Xaashi Cilmi.
codkahargeysa.com