Hargeysa (CH)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa noqday qofkii u horeeyey ee lagu furo Diiwaangelinta Madaniga oo maanta si tijaabo ah ugu qabsoontay xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu shacbiga Somaliland maanta ay taariikhdu tahay 25/04/2014 u furay Qaadashada Kaadhka Muwaadinka oo ka bilaabantay Gobolka Marodi-jeex magaalo madaxdiisa Hargeysa.
Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada oo qaatay Kaadhka muwaadinimada, waxa uu iska diiwaangeliyey Xarunta hay’adda shaqaalaha.
Madaxweynaha ayaa la siiyey kaadhka muwaadinimada ka dib markii uu la xaqiijiyey inuu buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay qofka muwaadinta buuxiyey shuruudaha muwaadinka.
Waxa goobta ku sugnaa shacbi weynaha Reer Somaliland qaybo ka mida oo iyaguna ka hadlay dareenkooda soona dhaweeyey Qaadashada Kaadhka Aqoonsiga shacbigana ugu baaqay inay u dareeraan oo ay muujiyaan muwaadin-nimadooda.
Masuuliyiinta kale ee Kaadhka Diiwaangelinta Qaatay, waxa ka mid ah Wasiirrada Maaliyadda Cabdicasiis Samaale, Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale iyo Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo dhammaantood la mariyey Shuruudaha looga baahan yahay qofka Muwaadinka ah.
CODKAHARGEYSA.COM