Farqiga u dhexeeya Taariikhaha Dhalashada ee ku xusan Kaadhadka labada Diiwaangelinood ee Somaliland laga hirgeliyey Afartii sanno ee u dambeeyey
Hargeysa (CH)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta Is-diiwaangeliyey isla markaana Kaadhka muwaadinimada ku qaatay Diiwaangelinta Madaniga ah oo si tijaabo ah looga furay Xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu si cad uga been sheegay da’diisa iyo Waliba goobta uu ku dhashay, marka la barbar-dhigo taariikhda iyo goobta uu ku dhashay eek u xusan diiwaangelinta Kaadhkii codbixiyeyaasha ee sannadkii 2010 dalka laga qabtay, isaga oo labada wakhtiba kala sheegtay laba wakhti iyo laba goobood oo kala duwan.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu markii uu Kaadhka qaadanayay sanadkii 2010 uu qortay inuu ku dhashay Meesha la yidhaahdo YELAY, sanadkii 1936, Halka uu maanta uu sheegtay inuu ku dhashay Magaalada Burco sanadkii 1942-kii
Sida Sawirka ka muuqata, waxa farqi weyn oo Lix sanno ah u dhexeeya Kaadhadhka labada jeer madaxweynuhu qaatay wakhtiga dhalashada ee xusan, sidaas awgeed, waxa la is-weydiin karaa madaxweynuhu ma waxa uu doorkan cimrigiisa ka jaray Afartii sanno ee uu xilka hayey?
Wakhtiga madaxweynuhu qaatay Kaadhkii Diiwaangelintii Fashilantay ee sannadkii 2010-kii oo isugu jiray Kaadhka Codbixinta iyo Ka muwaadinka, waxa uu ahaa guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, halka kaadhka diiwaangelinta Madaniga ah ee uu maanta uu madaxweyne yahay uu qaatay ay u dhaxayso Afar Sanno iyo dheeraad.
CODKAHARGEYSA.COM