Gabiley (CH)- Xukuumadda Somaliland iyo Madaxda Dhaqanka gobolka Gabiley, ayaa si wada-jir ah u shaaciyey inay soo afjareen, isla markaana heshiis iyo is-afgarad wanaagsan ka gaadheen shaqaaqo iyo Kacdoon maalmihii u dambeeyey ka taagnaa magaalada Gabiley ee xarunta gobolkaas, ka dib markii ay kulan saacado badan socday wada-qaateen Wefti Xukuumaddu u dirtay dejinta xaaladda iyo Odayaasha Dhaqanka gobolku.
Wasiirro Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo gelinkii dambe ee Isniintii dorraad u tegay magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley deminta Xiisado siyaasadeed iyo kacdoon dadweyne oo ka taagnaa magaaladaas maalimihii u dambeeyey, ayaa shirar saacado badan socday oo ay la lahaayeen oo ka socday Gurriga Martida ee magaaladaas Madaxda Dhaqanka, Wax-garadka iyo Odayaasha magaaladaas saacado dambe oo habeen-hore ku dhawaad labadii habeennimo ku guulaystay inay is-faham gaadhaan.
Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo ugu horreyn kulankaas saacadaha badan qaatay oo abbaaro labadii habeennimo markay ku siqaysay saacadda Afrikada Bari afgaradka lagu gaadhay, ka dib, Warbaahinta kala hadlay kulanka, ayaa wuxu sheegay in shirarka gelinkii dambe isniinta illaa saacadahaas dambe ee habeen-hore u socday Masuuliyiinta Xukuumadda ka socota iyo Odayaasha Dhaqanka Reer Gabiley aakhirkii ay xal fiican isla gaadheen labada dhinac.
Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo hoggaaminayey Weftiga Xukuumadda oo shan Wasiir iyo Taliyaha Booliska ka koobnaa ee Gabiley u tegay xal u helidda khilaafka iyo kacdoonka ka taagnaa dilka laba Sarkaal oo habeenkii Arbacadii toddobaadkii hore Askari Ciidanka ka tirsanaa ku dilay Tuulada Qori-lugud, ka dibna uu baxsaday iyo muddaharaad ay arrintaas ku diiddan yihiin reer Gabiley oo ay Jimcihii sameeyeen, isla markaana ay dawladdu Ciidan Hubaysan ka hor-geysay, sababayna dhimashada ilmo-yar iyo dhaawaaca 13 kale, ayaa isaguna sheegay inay ka xun yihiin Xukuumad ahaan waxa dhacay iyo sida cadawgu uga faa’iidaystay, balse uu ku faraxsan yahay inay xal ka gaadheen wax kasta oo jiray.
Waxaanu Bulshada ugu bushaareeyey in la soo afjaray xiisadda ka taagnayd Gabiley oo wax walba guul lagu dhammaynayo, waxaanu ballan-qaaday inay dawlad ahaan gacanta ku sii dhigo doonaan gacan-ku-dhiiglihii dilkaas Saraakiisha Millateriga geystay. “Waxaan ILLAAHAY ugu mahadinaynaa sida wanaagsan ee ay noogu dhammaatay shaqaaqooyinkii ka dhacay Gabiley. Aniga oo ku hadlaya magaca Weftiga (Wasiirrada Xukuumadda) inaan ka tacsiyadeyno dadkii shaqaaqooyinka ku dhintay, iyo kuwii ku dhaawacmay. Gacan ku dhiigluhu meel kasta oo uu tago, haddii Alle yidhaahdo aannu gacanta ugu qaban lahayn baannu ballan-qaadaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.
Wasiirka arrimaha guduhu waxa uu Madaxda Dhaqanka ee Somaliland ku ammaanay jacaylka nabadgelyada iyo sida ay wax kasta oo dhaca isugu dayaan inay doorkooda dejineed iyo xal-u-helka ah uga qaataan, gaar ahaan waxa uu aad ugu mahad-celiyey Madaxda Dhaqanka reer Gabiley, waxaanu Wasiirka oo ballan-qaadaya soo-qabashada gacan-ku-dhiigluhu yidhi; “Waxaanan ummadda reer Somaliland u sheegayaa in la soo afjaray shaqaaqadii ka dhacday Gabiley, annaga oo uga mahad-naqayna Madax-dhaqameedka reer Gabilay iyo dadweynaha reer Gabiley-ba.”
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo Wasiirrada Deegaankaas u dhashay ka mid ah ee galabta meesha tegay, ayaa isaguna sheegay in farxad tahay in dadka reer Gabiley Madaxdooda Dhaqanka iyo Xukuumadda oo ay iyagu metelayaan iyagoo ka tiiraanyeysan dilka hore, shaqaaqada Muddaharaadka ka dhalatay iyo Maxbuus isku dayey inuu Ciidanka ka baxsado gelinkii hore ee ISniinta oo ka dibna rasaas ay ku fureen ku dhintay ay haddana heshiis buuxa iyo is-afgarad ku gaadheen inay wada-jir wax u wadaan oo aanu cadawga Somaliland arrimo kale iyo dano siyaasadeed uga faa’iidaysan xiisadahaas oo la soo afjaray sida uu xusay Samaale.
“Arrintaasi way dhammaaday oo waxay ku dhammaaday dhaymo aanu dhayeyno waxkastoo damqasho ah oo halkaas ka yimid. Waxay ku dhammaatay sida uu Suldaanku sheegay, waxay ku dhammaaday sida uu Wasiirka Arrimaha guduhu sheegay. Waxa sharaf weyn noo ah sida aanu Madax-dhaqmeedka gobolka aanu arrintaas isula fahamnay. waxay ahayd arrin ay cadowga Somaliland doonayeen inay ka faa’iidaystaan, sidii ugu sharafta badnayd ayey ku dhammaatay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Suldaanka guud ee Gabiley iyo Madaxda Dhaqanka ee kale ee gobolka Gabiley, ayaa iyaguna kulankaas ka hadlay, waxaanay sheegeen in la soo gebo-gabeeyey xiisaddii u dhaxaysay Xukuumadda iyo dadka reer Gabiley, isla markaana ay Xukuumaddu si damqasho leh ugala hadashay arrinkaas iyo xalkiisa iyaguna ay aqbaleen.
Suldaanka guud ee Beelaha gobolka Gabiley Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, oo halkaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Waxaannu halkan u taagannahay ee shirkan Jaraa’id aannu u qabannay inaannu Madax-dhaqameed ahaan, Xukuumad ahaan iyo Masuuliyiin ahaan inaannu si wada-jir ah u tacsiyadayno dadkii gobolka Gabiley ka baxay kuwii ku dhintay Qori-lugud iyo kuwii ku dhintay Gabilay-ba Illaahay Samir iyo Iimaan ha innaga siiyo, iyagana Naxariistii Janno ALLAAH ha siiyo, gacmo ka gar-daran baa dilay, waannu ka xunnahay, Xukuumadduna taas bay nala qabtaa, waxaannu keligayo qabno maaha. Qodobka labaad waxaannu doonaynaynaa inaannu guud ahaan ummadda reer Somaliland u iclaaminno, gaar ahaan reer Gabiley in wixii khilaafaad ahaa ee in laga faa’iidaysto oo cadawgu ka faa’iidaysto la doonayey inuu dhammaaday, reer Gabiley iyo Xukuumaddooduna ay heshiiyeen, Madax-dhaqameedka reer Gabiley, Masuuliyiinta Siyaasadda ee gobolka Gabiley halkan ku dhan yihiin.”
“Waxa kale oo halkan ku dhan Madaxda kale ee Qaranka Mid heer gobol iyo mid heer Qaran-ba, si cad baannu arrintaa uga wadahadalnay, si kalgacayl leh baannu uga wadahadalnay, si naxariis leh baannu uga wadahadalnay, si tudhaale leh baannu uga wadahadalnay annagoo dalka iyo dadka u tudhayna, iyaguna ay annaga noo tudhayaan waannu iska af-garannay. Walaallayaal innagana dhibtii iyo shaqaaqadi halkaas ha innagaga dhammaato, dalkeenna iyo Qarankeenna sidaan u dhisi lahayn ee awalba aynu hormuudka ugu ahayn aan ka qayb-qaadanno haddii ALLAAH yidhaahdo, cadawga kale ee wiirsan lahaana waxaannu leenahay caawaba ka nax haddaad xalay faraxday.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan.
Wasiirradan Xal u helidda xiisadda taagnayd u tegay Gabiley ayay ka mid ahaayeen Wasiirka arrimaha gudaha, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Wershadaha, Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga iyo Taliyaha Ciidanka Booliska, waxaana shirka Odayaasha ay la yeesheen ku weheliyey Guddoomiyaha gobolka Gabiley iyo Masuuliyiinta kale ee Maamulka gobolka iyo Degmada Gabiley, weftigaas oo xubno ka tirsani Salaasadii shalay ahaan u sii gudbay dhinaca magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.