“Waynu filaynay inay qadiyadda Somaliland ku dhintaan, laakiin kii garab-jiifay inay gacani kaga dhacdo, maynaan filayn”

0
395

Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in Dad loo qab-qabtay Dilka Saraakiishii Ciidanka Qaranka

Borama (CH)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay shaaca ka qaadday inay hay’adaha ammaanku gacanta ku hayaan dadka lagu tuhunsan yahay inay xidhiidh ku lahaayeen falkii lagu khaarajiyey laba sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka Qaranka, kuwaas oo Askari Dable ahi maalintii Arbaca ee todobaadkii hore ku dilay xero ciidan oo ku taala duleedka degmada Qorulugud ee gobolka Buuhoodle.

warancadeLaba Sarkaal ee la dilay ayaa kala ahaa Abaan-duulihii Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka isla markaana ahaa Ku-simihii Taliyaha Guutada oo maqnaa wakhtigaas, Marxuum Maxamed Yuusuf Maxamed oo derejadiisa ahayd Kabtan, halka Marxuumka labaadna uu ahaa Taliyihii Hawl-gelinta Guutada 17aad Marxuum Jaamac Muxumed Xadi (Jaamac Bidaar) oo derejadiisu ahayd Kabtan. Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka, ayaa ka tirsan Qaybta 31aad ee Milatariga Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade iyo Wasiirul-dawlaha Maaliyadda Cismaan Saxardiid iyo masuuliyiin kale, ayaa shalay  booqasho ugu tagay Qoyska Alle u naxariistii Taliyihii Hawl-galinta Guurtada 17aad ee ciidanka Qaranka Jaamac Muxumed Xadi (Jaamac-bidaar), oo deggen magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, halkaas oo ay ugu geeyeen adduun lacageed oo tacsi  ahaan loogu geeyey qoyska.

Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Madaxtooyada oo saxaafadda la hadlay iyaga oo ku sugan guriga ay deggen yihiin qoyska Marxuumka, waxa ay sheegeen in baadi-doonka gacan-ku-dhiiglihii falka geystay lagu daba-jiro isla markaana cadaaladda la horkeeni doono isaga iyo cid kasta oo fal-dambiyeedkaas lagu helo inay ka dambeeyeen.

Ugu horeyn wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Warancade oo halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaanu u nimi inaan soo tacsiyadayno qoyskii uu ka dhintay Marxuumku oo aanu la qaybsanno tiiraanyo iyo dhibta dhacay oo ah mid gacan ka gar-darani dishay oo ay Illaahay aynu uga baryayno samir iyo iimaan innaga siiyo, halkiisiina Illaahay wax kheyr qaba inoogu beddelo.”

“Wuxuu ahaa halyey qaran isaga iyo saaxiibkiisii la dhintay, waxay ahaayeen niman heegan u ah inay dalkooda difaacaan, waxay ahaayeen rag huray naftooda oo in badan oo Somaliland ah xoreeyey. Waynu filaynay inay qadiyadda Somaliland ku dhintaan, laakiin kii garab-jiifay inay gacani kaga dhacdo, maynaan filayn, ta tiiraanyada keentayna waa taas, waayo rag badan bay hore way u dhinteen, laakiin taas aynaan filayn awgeed baanu halkan (Borama) u nimi inaanu reerka iyo qoyska la qaybsanno tiiraanyada,” ayuu yidhi Wasiir Waran-cade, isaga oo intaas ku daray, “Waxaanu aad iyo aad uga mahad-celinaynaa madax-dhaqameedka iyo salaadiinta, sida wanaagsan ee markii ay wax dhaceen ay isu qabteen.”

XIRSIWasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in dad loo qab-qabtay falka lagu dilay labada saraakiil, waxaanu yidhi, “ Qofka Qaranka dhibaato u geysta, qaranka oo dhanbuu dhibaato u geystay, waa cadow kii uu iska difaacayey kaga xun; cadowgaa gudaha ee aanad ka filaynin ayaa ka xun cadowga dibadda.”
“Arrintaasna ka hadhi mayno, meel kasta oo uu galo (Gacan-ku-dhiigluhu) ka hadhi mayno, cadaaladdaa la horkeenayaa, cid kasta oo uu galo oo raad ku yeelatana cadaaladda ayaa la horkeeni doonaa,  gacan bir ahna waa lagu qaban doonaa. Way jiraan dad xidh-xidhan oo tuhunno loo haysto, maxkamadda Ciidankaana xukumi doonta,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan.