Warbixin Laga Soo Saaray Baadhitaan Musuq-maasuq Oo Kambani Maraykan Ahi Muddo Afar Bilood Ah Ka Waday Guddoomiyaha & Golaha Sare ee Jaamacadda Hargeysa

0
360

GUDAHA KA AKHRI:  Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Oo Ka Hadlay Natiijadii Baadhitaankaas iyo Warar Sheegaya Inuu Shaqada Iska Casilayo

Hargeysa (CH)- Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Prof. Cabdi Xuseen Gaas Ayaa Markii U Horeysay ka hadlay waxa ka jira warar maalmihii la soo dhaafay laysla dhex marayay oo sheegaya in uu xilka uu hayo ee Hoggaanka Jaamacadda Hargeisa (UoH) iska Casilayo.

2Warar aan la xaqiijin oo suuqa galay ayaa sheegaya in is-tiqaallada  shaqada uu u hayo Guddoomiyuhu Jaamacadda Hargeysa ku xidhiidhiyey khilaaf ka dhashay hormoodyada [Deans] kala duwan ee ka mid ah UoH oo Guddida guud (Boardka) ee Jaamacaddu shaqadii ka rusqeeyeen.

Haddaba Prof. Cabdi Xuseen Gaas Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa oo Waraysi Gaar ah siiyey Bahda HUBAAL Media ayaa Arrimahaas iyo amuuro kale oo la xidhiidha hab sami u socodka shaqada Jaamacadda uga warramay. Ugu Horeyn Guddoomiyaha oo ka jawaabaya weydiin ku dhereran istiqaalladiisa wuxuu ku jawaabay, “runtii wax allaale iyo wax ka jiraa ma jiraan warkaas, fajaciso ayaanay saaka igu noqotay markii shaqaale badani ila soo hadlay ee ay I weydiiyeen arrintaas, waxaanan idhi waxba kama jiraan inaan resign-gareeyey [is casilay], shaqadanina maaha mid sidaas ciyaar ciyaarta ah aan iskaga casili karo, waana nasiib darro in qofka is yidhaahda dadkiisa wax u qabo la eryado oo la caydhsado. Waxaa murugo weyn ah in badan oo ka mid ah shaqaalaha Jaamacadda iyo dad kaleba aanay nala arkaynin qaybta aanu ka qaadanayno dib u dhiska iyo horumarka dalka ee Jaamacaddu Koow ka tahay. Horumarka dalka iyo dadkana lagama midho dhalin karo haddii aanu qofku daacad ka ahayn” ayuu guddoomiyaha Jaamacaddu yidhi.

wwGeesta kale mar la weydiiyey khilaaf dhawaan dhex maray hoggaanka jaamacadda iyo dhawr ka tirsan shaqaalaha kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda, kadibna qaar kamid ah shaqadii laga fadhiisayay, wuxuu ku  jawaabay gudoomiyuhu isaga oo ka war bixinaya halkii ay ku dembeysay iyo sida wax u dhaceen “qof kasta oo jaamacadda ka tirsani xor buu u yahay inuu sheegto wixii tabasho ah ee uu tirsanayo, maamulkuna xor buu u yahay shaqadiisa iyo awoodiisa shaqo gaar ahaanna inay anshax mariyaan qofka aan shaqaysanayn ee mar iyo lababa loo digo, waana mid lagama maar maan ah in dadkaas oo kale oo Boodhka Jaamacaddu ka war hayeenba laga kaxeeyo jaamacadda. Kolkaas markii ay arrintaasi dhacday waxa jirtay in ergo ay bulshada ka dhex timi, waxaana laysla qaatay oo la yidhi bal in toban cisho la siiyo dadkaas, gaar ahaanna mid ka mid ah shaqaalaha ah, intii aan tobankaasi dhammaan oo haatan laga joogo afar bilood; ayaa koox ka tirsan shaqaalaha jaamacaddu soo oogeen eedaymo iyagoo cuskanaya iney heystaan cadeymo sax ah oo dhab ah in Dr. Cabdi Gaas (Guddoomiyuhu) uu kula kacey musuqmaasuuq dhaqaale oo uu lunsaday $77,000 (todoba iyo todobaatan Kun Oo dollar) oo jaamacaddu leedahay.

Xasan Bulbul oo xubin ka mid ah Boodhka Jaamacadda ayaa noo helay kambani Laysanis leh oo maraykan ah oo ku samaayey baadhitaan qoto dheer oo socdey mudo 4 bilood ah, report-kii ay soo saareenna meel kasta wuu yaalla oo waanu haynaa, wax allaale wax nalagu helay oo maamulka Jaamacadda ama aniga nalagu soo helayna ma jiro oo aan ku lunsanney lacagtaas, taasina waa arrin fool xun, markaa dadkii waxaas kula kacey maamulka sare ee jaamacadda in anshax marin la mariyaa waa xaq.

HALKAN KA ROGO LIFAAQA