Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Jawaab ka bixiyey Hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya

0
422

Hargeysa (CH)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay faro-gelin siyaasadeed iyo khal-khal gelin ammaanka ah oo uu ka dhex-wado gudaha Somaliland, isla markaana uu dabada ka riixayo kooxda nabad-diidka ah ee xasilooni-darrada ka wadda deegaamo ka tirsan gobollada Bari ee dalka.

Muuse Biixi oo Sababeeyey Inuu Madaxweyne Siilaanyo uga Tanaasulo Murashaxnimada Madaxweynaha ee Xisbiga KulmiyeGuddoomiye Muuse Biixi oo daba-socday hadal hore uga soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya oo goob-fagaare ah dhowaan ka sheegay inuu rejo ka qabo midnimo mar kale dhex-marta laba waddan, waxa uu Xasan Sheekh Maxamuud ku tilmaamay war-moog aanay u dhaadhacsanayn xaqiiqada ka jirta Somaliland iyo go’aanka shacabkiisu qaateen.

“Umaddan wixii gaadhay,halkaynu ku kala tagnay iyo halkaynu ku kala quusanay oo aad goob joog ka ahayd iyo sida aad u hadashay adigoo waliba qoslaya waa laba kala fog ee Soomaali isku imanaysaa ma jirto ee ha ku riyoonin, war moogaad tahaye,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KUlmiye

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi  waxa uu ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu masuul ka yahay carqaladaynta Gobolada Sool iyo Sanaag, “Wuxuu yidhi Sool iyo Sanaag kama tirsana Somaliland, waxaad muujisay Xasan Sheekhow inaad tahay Ninka Dabka ka shidaya Sool iyo Sanaag. Ninka Khaatumo dabada ka wada, Ninka Somaliland dagaalka kuwada ayaad tahay oo aad caddaysatay waana godob kuu taala oo jawaabteeda aad helayso” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dooday in aanay dhici karin inay kala go’do wixii la isku odhan jiray Soomaaliya isla markaana ay lama-taabtaan yihiin 18-kii gobol ee ay ka koobnaan jirtay Jamhuuriyaddii laysku odhan jiray Soomaaliya.